Daalibaanka oo qaadatay go’aan aan laga filaynin oo ay dad badani la yaabban yihiin (QM oo ka hadashay)

0

(Kabul) 02 Okt 2022 – Beerashada daroogada Opium ee dalka Afgaanistaan, oo ah dalka ugu wayn adduunka dhanka beeristeeda, ayaa kor u kacday tan iyo markii ay Taliban la wareegeen awoodda dalkaasi Agoosto 2021, sida uu shaaciyey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Daroogada iyo Dembiyada (UNODC).

Beeraha lagu beero daroogadan ee dalkaasi ayaa kor u kacay 32% sanadkii hore, ilaa 233,000 hektar, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambaysey ee hay’adda Qaramada Midoobey ay soo saartay.

Kaddib markii la mamnuucay beerashada opium-ka iyo maandooriyaha kale bishii Abriil, qiimihii opium-ku “ayaa sare u kacay,” ayay tiri UNODC.

Natiijo ahaan, goosashada opium-ka ee 2022, oo inta badan laga dhaafay go’aankii mamnuucayey ee Taliban-ka sabab la xiriirta muddo laba bilood ah oo la yiraahdo ”bilaha nimcda”, ayay daroogadani ku noqotay “macaashka ugu badan beeralayda tan iyo 2017-kii.”

Sida lagu sheegay warbixinta, “dakhliga ay beeralaydu ka helaan iibka opium-ka ayaa gaarey in ka badan saddex laab” laga soo bilaabo $425 milyan sannadkii hore ilaa $1.4 bilyan sanadka 2022-kii. Tirakoobkii ugu dambeeyey wuxuu ka dhigan yahay koror dhan 29% marka loo eego qiimihii 2021-kii.

Si kastaba ha ahaatee, wakaaladu waxay xustay, in faa’iidada sare aysan daruuri ahayn in ay kordhiso awoodda wax iibsiga ee beeralayda – sicir-bararka sii kordhaya ayaa kor u qaadaya qiimaha cuntada ilaa 35%.

Sida laga soo xigtey UNODC, tan iyo bilowgii xukunka Taliban, ka ganacsiga daroogada Afgaanistaan, oo 80% ka ah suuqa Opium-ka caalamiga ah, ayaa u socda si aan kala go’ lahayn, waloow ay kooxdani sheegto inay wax ku xukunto Shareecada Islaamka oo aan ogolayn daroogada iyo maandooriyaha.

Hadalsame Media