MW Gobolka Soomaalida oo maamuusay Xulka Junyarka Somalia + Sawirro

0

(Addis Abeba) 13 Okt 2022 – MW Gobolka Soomaalida, Md Mustafe Cagjar, ayaa qado sharafeed ku maamuusay Xulka Da’yarta 17-jirrada Somalia.

Md Cagjar ayaa ku sugan magaalada Addis Abeba ee caasimadda waana halka uu ka socdo tartanka Bariga & Bartamaha Afrika oo ay Somalia rigoorayaal ugusoo baxday dhammaadka kaddib markii ay 1-1 ku kala baxeen dalka Uganda oo ay 8-7 uga badiyeen.

Somalia ayaa Sabtiga soo aaddan wajahaysa Xulka South Sudan oo soo reebay dalka Tanzania, halka dalkan iyo Uganda ay u tartamayaan kaalinta 3-aad.

Waa markii 2-aad muddo 3 sano ah oo ay Somalia timaado dhammaadka koob ka tirsan CECAFA.

Hadalsame Media