Ukraine oo dalab rasmi ah u dirtay qaaradda Afrika (Waxa ay doonayso & Booqasho Afrika ah oo ay soo gaabiyeen)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ukraine, Dmitry Kuleba, ayaa ugu baaqay Afrika in ay Kiev ku taageerto codbixinta soo socota ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey si loo cambaareeyo aftidii bishii hore sababtay in afar gobol oo cusub uu Ruushku xaf-goosto.

Waa sida uu diblomaasiga ugu sarreeya Ukraine uu ku codsaday ‘Farriin uu u diray Qaramada Midoobey’ oo uu sidoo kale dhigay bogga wasaaradda.

“Taageerada Afrika ayaa hadda loogu baahan yahay si ka badan sidii hore,” ayuu Kuleba ku qoray farriinta, isagoo daaha ka qaaday inuu soo gaabinayo socdaal uu ku tegi lahaa caasimadaha Afrika si uu ugu soo laabto dalkiisa kaddib markii uu Ruushku weeraray Kiev iyo magaalooyin kale.

“Qaramada Afrika [waa inay] dhinac istaagaan sharciga caalamiga ah, midnimada dhuleed, iyo nabadda,” ma aha oo kaliya inay cambaareeyaan weerarrada lagu qaaday Kiev, Odessa, Dnepr, Kharkov, Rovno, Lviv, iyo Ivano-Frankovsk, laakiin sidoo kale waa inay kasoo horjeestaan oo Qaramada Midoobey uga codeeyaan gobollada ay Moscow goosatay, ayuu raaciyey dalabkiisa.

Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay weerarradii Isniintii shalay inay jawaab u ahaayeen weerarrada “argagixisada” Ukraine ee ka dhanka ah kaabayaasha tamarta Ruushka iyo buundada Crimea, iyo goobo kale.

Gantaalaha Ruushka ayaa lala beegsaday “goobaha tamarta, millateriga iyo isgaarsiinta,” iyadoo waxyeello loo gaystey xarumaha muhiimka ah ee kaabayaasha dalkaasi.

Afrika ayaan sidaa u taageersanayn sida ay wax u socdaan maadaama cunaqabatayntu ay adkaysay inay iibsadaan qamadiga, saliidda iyo bacrimiyeyaasha beeraha ee Ruushku soo saaro, halka reer Galbeedku ay sameeyeen qaabab aan toos ahayn oo ay u iibsadaan isla agabyada Ruushka.

Hadalsame Media