Ruushka oo qarameeyey agabkii shirkad gawaarida samaysa oo Japanese ah (Waxaa la siiyey hal EURO)

0

(Moscow) 11 Okt 2022 – Sida ay sheegtay Wasaaradda Ganacsiga Ruushku, shirkadda baabuurta samaysa ee Nissan ee dalka Japan ayaa dhammaan hantida Ruushka ka taalla ka iibin doonta shirkadda cilmi-baarista iyo horumarinta Ruushka ee NAMI.

Heshiiska, oo qiimihiisu yahay € 1 Euro oo miisaali uun ah, waxaa ansixisay shirkadda Japan, waxaana ku jira wershad ku taal magaalada St. Petersburg iyo xarumaha iibka iyo suuq-gaynta ee Moscow.

“Waxaan ku guulaysanney inaan gaarno goob ganacsi oo weli sii shaqaynaysa. Wareegga wax soo saarka iyo shaqooyinka waa la DHOWRAY,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga ee Ruushka, Denis Manturov.

Nissan waxaa hadda Ruushka ka jooga shaqaale kor u dhaafaya ilaa 2,000 oo qof, waxaana la sheegay in shirkadda gawaarida samaysa ee Ruushka ah ee AVTOVAZ ay sii wadi doonto wixii dayactir iyo kab ah.

Heshiiska ayaa dhigaya in Nissan ay xaq u yeelanayso inay adeeggan dib u iibsato muddo 6 sano gudohood ah haddii ay u baahato, sida ay baahisey Wasaaradda Ganacsiga Ruushku.

Hadalsame Media