ISKA JIR! Gujis & Tareen nukliyeer xambaarsan oo kasoo ruqaansaday saldhigyadoodii (Sirdoonka Galbeedka oo duqayn nukliyeer ka digey)

0

(Moscow) 03 Okt 2022 – Tareen wayn oo xamuul ah oo ay ku shixnadan yihiin qalab millateri oo gaar ah oo hubka nukliyeerka ah ee Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa la arkay isagoo ku jira, taasoo keentay cabsi laga qabo inuu sii cirka isku shareerayo dagaalka Putin ka wado Ukraine.

A series of BPM-97 armoured personnel carriers (APCs) and other military vehicles were seen travelling through central Russia in a clip posted on the Telegram messaging app by pro-Russian channel Rybar on Sunday.

Tareenkan oo sida gawaarida gaashaaman ee BPM-97 (APCs) iyo gawaari kale oo millateri ayaa lagu arkay iyagoo maraya bartamaha Ruushka muuqaal lagu faafiyey Telegram-ka ee kanaalka DF Ruushka taageera ee Rybar.

Qaybta ciidan ee takhasuska u leh kaydinta, dayactirka iyo adeegsiga hubkani waa mid ka tirsan Ciidamada Gantaalaha Istaraatijiga ah, waana Laanta Ruushka ugu qaybsan Hubka halista ah ee Nukliyeerka.

Konrad Musyka oo ah falanqeeye millateri ayaa ku andacoodey in soo dirista cutubyadan oo kale ay muujin karto in ay sii xoogaysanayso colaadda Ukraine oo uu Madaxwaynaha Ruushku maaggan yahay ugu yaraan dhoollatusyo waawayn ama inuu xitaa sameeyo duqayn nukliyeer ah.

Waxa ay tani kusoo beegantay xilli NATO ay uga digtey dalalka xubnaha ka ah in gujiska Nukliyeerka casriga ah xambaarta ee Belgorod ay ka baxday saldhiggeeda Badda Cad.

Sidoo kale, saaxiibka muhimka ah ee Putin ee Ramzan Kadyrov ayaa usoo jeediyey millateriga Ruushka inay adeegsadaan ‘hubka Nukliyeerka ee ay waxyeelladiisu xadidan tahay’ si uu u rogo mowjadda dagaalka Ukraine oo ay dib ugu degaan ciidanka dalkaasi iyo xitaa NATO.

Hadalsame Media