“Waa fursad aad u wayn burburka dhuumaha Nord Stream” – Dal is qarin waayey & Gazprom oo war quus ah soo saartay

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2022 – Maraykanka ayaa “fursad aad u wayn” u arka burburinta dhuumaha gaaska Nord Stream si dowladaha Midowga Yurub laga saaro suuqa tamarta Ruushka, sida uu ku doodayo Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalkaasi, Antony Blinken, oo la hadlay suxufiyiinta.

Tiiyoo uu jiilaalku soo dhawaadey, Blinken wuxuu sheegay in Maraykanku uu doonayo in kooxdu isticmaasho shidaal ka yar kii hore.

Washington waxay sidoo kake sanado badan isku dayaysey inay ku qanciso hogaamiyeyaasha Midowga Yurub inay gaaska Ruushka uga maarmaan gaaskeeda dabiiciga ah ee LNG.

Darnaanta waxyeellada dhuumahan badda hoosteeda mara ayaa waxay la micne tahay in EU “si aan xad lahayn looga dhuun qabtay” gaaska Ruushka ee badda soo marayey, sida ay qiratay Shirkadda Tamarta Ruushka ee Gazprom Jimcihii.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayey Washington, Blinken wuxuu ku faanay in Maraykanku uu hadda yahay “iibiyaha ugu horreeya [gaaska dabiiciga ah] ee Yurub.”

Marka laga soo tago in Maraykanka shidaalkiisa haatan aad loogu daabulo Yurub, misna Blinken wuxuu sheegay in Maraykanku uu kala shaqaynayo hoggaamiyeyaasha Yurub si loo helo habab lagu “yareeyo baahida shidaalka” iyo “dardargelinta u gudubka shidaalka dib loo cusboonaysiin karo.”

“Waa fursad aad u wayn in mar uun meesha laga saaro ku-tiirsanaanta tamarta Ruushka, sidaas darteedna meesha laga saaro istaraatijiyadda (Madaxwaynaha Ruushka) Vladimir Putin ee tamarta hub ahaan u adeegsanaya si uu hirgeliyo naqshadihiisa imberaaliga ah.” Ayuu yiri Blinken.

Hadalsame Media