”Qoysaska qaar ayaynaan xaabo u heli doonin” – Dal wayn oo Yurub ah oo xaabadii ka qaaliyowdey

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2022 – Qiimaha xaabada ayaa cirka isku shareertay dalka Faransiiska si weliba isa sii taraysa, isagoo celcelis ahaan kor u kacay 10% marka la barbar dhigo bishii Juunyo, xilli ay qoysasku ay saadka tamareed kaydsanayaan si aan abid horay loo arag sanadkan, sida uu sheegay kannaalka BFMTV.

Sida laga soo xigtey warbixinta, qiimuhu hadda wuxuu marayaa qiyaastii € 90 Euro ($ 87) halkii mitir kuyuubik. Baahida ayaana kor u kacday 50% labadii bilood ee la soo dhaafay.

Baahida badan ee dalabka xaabada ayaa waxaa ay sababtay dib u dhac wayn oo ku yimid keenisteeda, iyadoo la filayo in macaamiishu ay dalabkooda mar mar sugaan 3-5 bilood laga bilaabo taariikhda dalabka.

Si kastaba ha ahaatee, “xaaladaha qaar, macaamiisha qaar ayaa lagaba yaabaa inaysan dalabkooda helin gebi ahaanba,” ayay ka digtey warbixintu.

Dadka xaabada iibiya ayaa waxay tilmaameen inay qoyskiiba ku xaddidi doonaan hal mitir kiyuub oo xaabo ah haddii ay buuxin kari waayaan baahida sii kordhaysa ee xaabada.

Hadalsame Media