Dhacdo murugo leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho & DF oo codsi loo diray

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2022 – Warar aan helnay ayaa sheegaya in gabar aroos ahayd ay kooxo hubaysan oo burcad ahayd ku dileen degmo ka tirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Gabadha marxuumadda ah oo sida la sheegay lagu magacaabi jirey Caasho Daahir Xasan ayaa waxaa iyada iyo ehelkeeda rasaas ku furay koox burcad ahayd oo la sheegey in xilligaa ka dhacayeen Mobiilladii ay siteen.

Allaha u naxariistee Caasha ayaa xiligii la dilayey waxaa loo gelbinayey gurigeeda cusub oo waxay ahayd caruusad. Waxaa kale oo la sheegey in abtigeed uu isna ku dhaawacmay weerarkaas bahalnimada ah.

Hooyada dhashay marxuumadda oo magaceeda Hidaayo lagu koobay ayaa laamaha ammaanka ee Dowlada Federaalka iyo kan degmada Kaaraan ka codsatay in kiiska gabadheeda la daba galo.

Waxaa bilihii dambe meelo ay Kaaraan ugu horreeyso ka kacay kooxo halis ah oo lagu sheegay ”Ciyaal Wirif”, kuwaasoo dhibaato amni ku haya degmadaasi.

Hadalsame Media