Ruushka oo ballansaday 3 dal oo wada Muslim ah (Ukraine oo FIFA & UEFA u qayladhaamisay & Jawaabta)

0

(Moscow) 14 Sebt 2022 – Ukraine ayaa ugu baaqday UEFA iyo FIFA inay Ruushka ka joojiyaan martigelinta Bosnia iyo Herzegovina oo ay la yeelan doonaan ciyaar saaxiibtinimo oo heer caalami ah bisha Nofeembar

Xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegay in kulankan saaxiibtinimo ee caalamiga ah ee u dhexeeya Russia iyo Bosnia & Herzegovina ee ka dhici doona St. Petersburg bisha Nofeembar aanu jabinaynin cunaqabataynta saaran dalkaasi, sida ay sheegtay TASS.

Xiriirka Kubadda Cagta Ruushka (RFU) iyo dhiggooda Bosnia ayaa todobaadkii hore xaqiijiyey in ciyaar u dhaxaysa labada dal la qorsheeyay 19-ka Nofeembar iyadoo ka dhcaysa garoonka Gazprom Arena oo qaada 67,000 oo kursi.

Intaa waxaa dheer, in Xiriirka RFU ay horay ugu dhawaaqeen ciyaar saaxiibtinimo oo kale oo ay la ciyaarayaan Kyrgyzstan taasoo la muddeeyey inay Bishkek ku qabsoonto Sebtembar 24, iyo ciyaar kale oo ay Iran ku wajahayaan mar uun ka tirsan Nofeembar, waloow aan taariikhda iyo goobta weli la go’aamin.

Hadalsame Media