MW Somalia oo maanta tegaya Xarunta Pentagon & waxyaabaha uu lasoo qaadi doono (Caqabad jirta)

0

(Washington, DC) 15 Sebt 2022 – MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta caasimadda Maraykanka ee Washington, DC kula kulmaya Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Pentagon.

“Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanku waxa uu maanta oo Khamiis ah MW Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dhowayn doonaa Pentagon-ka saacaddu marka ay ay tahay 12:30 PM [7:30 PM xilliga Muqdisho], kulankaas oo ku salaysan xoojinta xiriirka labada dhinac.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Austin. 

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii uu Maraykanka xalay gaarey MW Xasan Sheekh oo halkaa maalmo joogi doona.

MW DF Somalia ayaa lagu wadaa inuu hoggaan millateriga Maraykanka lasoo qaado arrimo ku saabsan kaalmaynta Xoogga Dalka Somalia oo la hardamaya agab xumi iyo saadka oo ku liita.

Waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DF Maraykanka, isaga oo sidoo kalena habeenka Jimcaha ah ee soo aaddan kulan la qaadan doona jaalliyadda Soomaaliyeed ee gobollada ku hareeraysan caasimadda Maraykanka ee Virginia iyo Maryland iyo xitaa Washington DC lafteeda.

Maraykanka ayaa muujinaya inuu doonayo inuu markale  sare u qaado la macaamilka DF Somalia, iyadoo uu Madaxwayne Joe Biden uu markii la doortay XSH ku dhawaaqay inuu dib usoo celinayo ciidamo dalkiisa Somalia ka jooga oo uu saaray MW hore ee Donald Trump horraantii sanadkii tegey, wax kasta se waxay ku xiran yihiin oo mar kasta hantaaturro ah dalka Somalia oo aan lahaynhoggaan xambaarsan wax qorshe siyaasadeed ah iyo isku duubnaan keeni karta in wax lala qabto ama lala qabsado.

Hadalsame Media