ISKA JIR! Maxaa lagu qoraa Buugga Tacsida ee Boqoraddii dhimatay ee Britain (Dhowr tusaale arag)

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2022 – Buugga Tacsida Boqorraddii Ingiriiska Queen Elizabeth II [Book of Condolences for Queen Elizabeth II] waxaa la dhigay meelo badan oo caalamka ah, waxaana dadku ay dareenkooda ku cabirayaan qoraal iyo saxiix ay ku qorayaan ama ku dhaafayaan buuggaasi.

Saxiixa aad buuggaasi ku qoreyso waxaa raacaya qoraal kooban oo aad ku muujinayso dareenkaaga ku aaddan sida aad uga xub tahay geerida boqoradda, sida; “dareenkaygu wuxuu la jiraa adiga [Queen Elizabeth II ah] iyo qoyskaaga, waxay ahayd qof dabacsan oo naxariis badan”.

“Waxaan kuu rajaynayaa nabad iyo raaxo noloshaada dambe ee soo socota [yacnii aakhiro]”.

“Iga guddoon tacsi tiiraanyo leh adiga iyo qoyskaaga”

“Qalbigayga oo dhan adiga ayuu kula jiraa, nabad ku naso qabrigaaga”.

Dadka Soomaaliyeed ee buugga tacsida soo saxiixaya haddii aysan qoraalladaa midkood qorin xitaa waxaa hubaal ah in kan ugu yar ee ay soo qoreen uu yahay (Nabad ku naso Qabrigaaga | Rest in Peace | ارقد بسلام.

Islaannimadu ciyaar ma ahane ha laga fiirsado tallaabada la qaadayo, haddii kale xeyndaabka ayaad ka gudbeysaa.

W; D: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media