Doorashada Sweden & Doorka Soomaalida (Maxaa kula gudboon si aad u gaarto go’aan sax ah?)

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2022 – DOORASHADA SWEDEN & DOORKA DADKA SOOMAALIDA AH.

Maalinta Axadda ah ee soo socota waxaa Sweden ka dhacaya doorashada guud oo loogu tartamayo hogaaminta dalka.

Waxaana ay isugu jirtaa heerar kala duwan sida: Mid baarlamaan, mid gobal iyo mid degmo.

Xisbiyo badan ayaa iska horimaanaya, waxaase ugu cadcad xisbiga Social Democrats, Moderaterna (The Moderate Party), Sverigedemokraterna (The swedish Democrats, oo ah xisbi midigta fog u janjeera).

Waxaa kale oo iyana sadexdaas xisbi tartanka kula jira oo ka heer hooseeya xisbiyada kala ah. Liberalerna (Liberal party) Centerpartiet (The Centre Party) iyo Miljöpartiet (The greens Party).

Soomaalidu waxay qayb ka yihiin dadka soo galootiga ah ee codkooda lagu tashado, waxaana inta badan ay codkooda siin jireen Socialdemocraterna (Xisbiga Shaqaalaha) iyaga oo aad moodid inay iska caaashaqeen iyagoo aanan wax bedel ah ka helin.

Sanadkaan waxaa muuqda isbadal wayn iyo inay dadka qaar ka aamin baxeen xisbigaas, walow ay tahay in il gaar ahna loo yeesho xisbiyada midigta iyo qorshohooda siyaasadeed.

Sidoo kale, musharrixiin badan baa sharraxan oo Soomaali ah kana kala socda xisbiyo kala duwan.

Fadlan codkaagu waa muhiim ee aragti wax ku dooro. Yaan lagugu sirin doorasho weji garasho iyo qabyaalad ah.

W; Q: Jibriil Cabdulle Macallin

Hadalsame Media