Qoraal noo iftiiminaya guul & guuldarro wixii ay yihiin 100ka maalmood ee uu xilka hayo MW Somalia

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2022 – Maxaa dhacay 15 Maajo kaddib?!!

© Weerarkii shabab ay ku qaadeen deegaanada Ceel Barde iyo Yeed, ee Gobolka Bakool, uguna sii gudbeen gudaha Ethiopia.

© Dilkii Wasiirka caddaalada koonfur galbeed oo ka mid ahaa dadka ugu tun weyn la dagaalanka Shabaab.

© Gudoomiyihii degmada Marka iyo dadkii la socday oo ayagana Hal goob lagu xasuuqay.

© Suuqa weyn ee degmada Afgooye ayaa lagu beegsaday dadweyne fara badan oo aan waxba galabsan.

© Weerarkii hotel Xayaat, ahaana kii ugu cuslaaa beryahaan Afrik kadib, waxaana ku dhintay ku dhawaad 30 qof.

© Jowhar ayaa ayadana ahayd goobta geerida oo ay ku dhamaadeen dad badan, iyo dhaawacyo aan xisaab lahayn kadib weeraro loo geystay hotello halkaas ku yaalay.

© Maxaas iyo hareeraheeda ayaa lagu gubay ceelal, dad deegaan ahna lagu laayay, taas oo ay ka dhalatay Iska cabin dadka deegaanka ah in ay kala kulmaan.

© Baxdo ayaa ka mid ahayd goobaha sida aadka ah loogu dagaallamay, loomana gurman.

© Beledweyne ayaa ayadana maanta markale lagu xasuuqay dad biramgeedo u badnaa oo aan waxba galabsan iyo Hanti Farabadan.

© Waxaa si xoogan xamar dib Uga billowday dilka indheer garadka bulshada, aqoon yahanka iyo dadka aan siyaasadda ku jirin

© Waxaa halkeedii kasii socota laynta ciidamada dowladdu u geysyaan shacabka.

© Dhaca Shacabka lagula kaco iyo tuugada caasimaddu waa korortay, waxaana jiray kooxo faldambiyeed oo abaabulan sida Ciyaal weero oo dad badan laayey bilihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne intaas oo dhacdo ilaa hadda qof loo xiray lama arag, cid loo qabtay ma aragno, masuul xil ku waayey majiro, abaabul iyo diyaar garow ciidan oo aan igu sawir ahayn ma muuqdo, taasna cudurdaar uma heli karno, waxaanse ku dhihi lahaa qof Damjadiid ah iyo mid Daljir ah midna kuma dhiman, ee raggaan ku hordhooban ee marba qaanad isgalinaya si ay xil keliya kaaga helaan, yeysan waqtiga kaa lumin, ee umadda bad-badeeda usoo jeeso iyo qabiillada is abaabulan waa fursad aan ku sugi doonine.

W; Q: Maxamed Royal

Hadalsame Media