Muxuu yahay qaxarka dalka Somalia loo qorsheeyey ee lagaa qarinayo?! (Qormo wax iftiiminaysa)

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2022 – “Mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee cadaalad lagu gaaro waa ban-bixinta cadaalad darrada.” — Julian Assange.

AFEEF – Maadaama Professor Yaxye Shiikh Caamir ka mid ahaa martida Bahda Laashin casuntay aniguna aan ka mid ahay xubnaha Laashin, waxaa laga yaabaa in dadku is dhahaan “ma ninkii martida ku ahaa baad maagaysaa?” Si aan taas daaha uga faydo, ugu horrayn, anigu ka mid ahi guddiga maamula Laashin, ma na ka mid ahi madaxda Laashin, keliya waxa aan ahay xubin ka mid ah xubnaha guud ee qaaraan bixiyayaasha ah ee Laashin ku midaysan. Sidaas daraaddeed qormadani waa aragtidayda oo keliya ee ma ahan mid aan Laashin ku matalo. Is dhaaf in aan ku matalee, dhammaan xubnaha Laashin, madax iyo majaba waxa ay u la mid yihiin akhristayaasha akhrin doona. Xataa ogaysiis ma aanan siin.

HORDHAC – Habeennimadii Khamiista 1/09/2022 (waqtiga Bariga Afrika) waxa aan nasiib u yeeshay in aan xaadiro madal ay Madbadda iyo Mareegta Laashin ugu dabbaaldegayeen sannadkii guuradii 8aad ee asaaskooda. Madasha waxaa lagu casumay aqoonyahanno waawayn oo ka jeediyay muxaadarooyin ku saabsan mawduucyo kala duwan oo suugaanta, dhaqanka iyo afka la xiriira. Aqoonyahannadii madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Professor Yaxye Shiikh Caamir oo intiinna warbaahinta adeegsataa ay garanayso, inta kale na Google baa ku filan. Professor Yaxye waxa uu madasha u sheegay in uusan asagu weli qorin buugaag Af Soomaali ku qoran balse ay jiraan buugaag uu “hay’ado la qoray.”

Waxa se uu sheegay in ay jiraan buugaag uu qoray balse uu diiday in la daabaco ilaa 3 sano ka dib dhimashadiisa. Qodobkan dambe ayaa igu tartarsiiyay xarxarriiqidda qormadan, oo aan ku dhaliilayo go’aankaa uu Yaxye Caamir qaatay. Sidaa oo kale qormadu dhaliil oo keliya ma ahane waa talo iyo codsi ku socda Professor Yaxye Caamir kuwaas oo ka tuugaya in uu ka noqdo go’aankaas buugaagtana deg deg u daabaco.

Waxa ay u badan tahay in dad badani ka didaan ciwaanka aan qormadaan u xushay, ayaga oo u arkaya mid qallafsan oo haddana guulguulid ah (harsh and provocative), aniga qudhaydu dadkaas waan la qabaa in cinwaanku sidaas u eg yahay. Yeelkeede, yoolkaygu ma ahan in weerar aan loo meel dayin iyo guluf aan ku qaadayo Professor Yaxye oo runtii ah nin aan ixtiraam wayn u hayo, balse sababta aan cinwaanka sidaas ah u xushay qaybaha kale ee qormada ayaad kaga bogan doontaan, waxa aanan qabaa in aanan ku gefsanayn xulashadiisa.

HABBISADA LA SAARAY HALDOORKA SOOMAALIDA

Markii aan afka Professor Yaxye ka maqlay “weli buugaag ma qorin” la ma aanan yaabin maxaayeelay wax qoristu la’aantu waa caado ay qaayibeen aqoonyahannada iyo indheergaradka Soomaalidu. Weliba haddii Barofeysarku intaas ku gaabsan lahaa ee uusan noo sheegi lahayn in uu wax qoray balse uu daabacaadooda la sugayo geeridiisa, qormadan ma aanan qoreen, waayo wax qoris la’aantu waa caadada haldoorka Soomaalida, oo xataa kuwooda wax qoray ma aysan qorin wax u dhigma aqoontoodi, halabuurkoodi, indheergaradnimadoodi iyo doorkii bulshadu ka filaysay.

Aan tusaale u soo qaato Abwaankii halabuurka wayn ahaa, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Eebbe ha u naxariistee. Gaarriye ma ahayn abwaan iyo halabuur oo keliya ee waxa uu ahaa aqoonyahan bartay cilmiga sayniska (biology-ga ayuu Lafoole ka bartay) sidaa oo kale waxa uu ahaa xeeldheere afeed oo asagu wax isbaray (linguist), haddana sidaas oo ay tahay Gaarriye ma uusan qorin buugaag cilmigaas uu yaqaannay ku kaysan yahay, marka laga reebo hal buug oo uu maansooyinkiisi ku kaydiyay iyo maqaallo uu ku qoray cilmiga Miisaanka Maansada Soomaalida.

Qodobka xiisaha leh ee haddana inoo caddaynaya in Haldoorka Soomaalida habbiso saaran tahay waa harjadkii Gaarriye ka maray daabicista buugga Hagarlaawe (kan Maansooyinkiisu ku kaydsan yihiin) oo runtii aniga amakaag igu riday. Sida ku qoran hordhaca buugga Hagarlaawe (waxa ay u eg tahay in hordhaca uusan Gaarriye qorin), 1994 ayuu Gaarriye Abidjan, Ivory Coast u tagay daabicista buugga, halkaas oo rag saaxiibbadiis ahi joogeen, laakiin ma dhicin in buugga la daabaco. 11 sannadood ka dib (2005) ayaa mar labaad Gaarriye iyo saaxiibbadiis dib u abaabuleen hawshii daabicista Hagarlaawe taas oo miradhashay 2007 oo buugga la daabacay.

Markii aan warkan akhriyay mar waan yaabay marna waan qoslay, mar kale na waan naxay. Waxaa isukay qaban waayay waxa buugga ku qoran iyo dhererka waqtiga uu qaatay in la daabaco, iyo hawsha adag iyo socdaallada Gaarriye u galay daabicistiisa.

Buugga waxaa ku qoray maansooyinkii Gaarriye oo seeko ah (qallalan, aan faahfaahin lahayn) iyo hordhac gaaban. Bes, intaas un baa ku qoran. Waxaan iswaydiiyay waxa 13 sannadood Gaarriye la harjadayay? Gaarriye sida aan kor ku sheegay waxa uu ahaa nin jaamici ah, aqoontiisuna baahsan tahay, sidaas oo ay tahay, haddana, waxa uu awoodi waayay in uu hal buug oo diiwaan ah dhammaystiro. Waxa kale oo aan xusuustay in Gaarriye horraantii 1970yadii bilaabay qorista Miisaanka Maansada Soomaalida, haddana, 40 sannadood ka dib waxa uu dhintay asaga oo dhammaystirin oo buug ka soo saarin. Waxa kale oo aan maqlay in Gaarriye uu mar Maxamed-Baashe Xaaji Xasan ku yiri “sida aad Hadraawi ugu hiillisay anigana iigu hiilli,” taas oo uu u la jeeday ‘sida aad Hadraawi buug uga qoray aniga buug iiga qor.’ Arrintan maxaan ku tilmaami karnaa oo aan HABBISO ahayn?

Gaarriye saaxiibkiis, Hadraawi qudhiisu wax sidaas ma dhaamin Gaarriye, oo wax buugaag ah waxa uu qoray Hal-Karaan oo Maansooyinkiisi lagu kaydiyay iyo Hawaale Warran oo sannado badan uu la silcayay ka dib uu u dhiibay nin kale oo dhammaystira.

Gaarriye iyo Hadraawi waxa ay ka mid yihiin tiro aad u yar oo haldoorka Soomaalida ah kuwaas oo habayaaraadeene wax un qoray. Inta badan haldoorkii Soomaalidu waxa ay galbadeen ayaga oo la mid ah “Ninkii Iska Dhintay” ee ahaa shakhsiyaddii matalayay sheekada isla cinwaankaas wadata ee uu qoray Ibraahin-Hawd Yuusuf. Ninkaas sheekada matalayaa waxa uu ahaa aqoonyahan ku talaxtagay aqoonta suugaanta dunida, laakiin cillada uu lahaa ayaa ahayd in uusan asagu weligiis wax qorin, sidaasna uu ku dhintay asaga oo aqoontiisa waxba laga dheefin, asaguna uusan wax ka dheefsan.

Dabcan, Ibraahin-Hawd waxa uu farta ku fiiqay habbisada aqoonyahanka Soomaalida saaran iyo sida ay doorkoodi u gabeen aqoontoodina dadkooda ugu faa’idayn waayeen (waxba ugu qori waayeen). Waana taas sababta hadalkii Professor Yaxye Shiikh Caamir ee ahaa waxba ma aanan qorin weli uu ii soo xusuusiyay Ninkii Iska Dhintay. Maxaa sababay in Professor Yaxye oo wax ka bartay mid ka mid ah jaamacadaha ugu waawayn Maraykanku uusan ilaa maanta hal buugna u qorin? HABBISO! Filasuufkii reer Faransiis, Voltaire ayaa laga sheegay in uu yiri “books rule the world, or at least those nations in it which have a written language, the others do not count.” Waxa ay i la tahay in aqoonyahannada Soomaalidu ayan fahmin awoodda buugga.

FULAYDA QALINKA – Tan iga yaabisay ayaa ahayd in Professor Yaxye wax qoray haddana uu ka baqay/cabsaday in uu daabaco. Waxaa se taas ka sii yaab badan waxa uu u sababeeyay in wax uu qoray daabici waayo. Tan se waxaas oo dhan isku fuuqsatay ee ka amakaag badani waa mawduucyada uu Professor Yaxye sheegay in uu ka qoray buugaagtaas uu daabicistooda ka baqay. Si aynnu qodobkan si fiican ugu fahamno aynnu soo minguurinno hadalkii Professor Yaxye Shiikh Caamir.

Waxa uu yiri “laakiin labo buug baan ka diiday in ay daabacaan…. mid waa dhammeeyay midna haaf (half) ma gaarin weli… labo meelood baan koobigooda (copy) kala dhigay…waxaan iri labadaan buug waxaad daabici kartiin oo keliya markaan dhinto 3 sano ka dib…sababtaan u leeyahayna waxay tahay kuma qorin sheekooyin aan meel ka soo tixraacay ee waxaan qoraayay dhacdooyinkaan u soo joogay 30kii sano ee la soo dhaafay, khaasatan ajaanibtii waddankan imaanaysay siday inoo khiyaanaayeen…mar mar waxaa soo galaya dadkii gacanta ku siiyay…shidaal la dhacay ha noqoto, suntii waddankan lagu shubay…khamri iyo daroogo badan oo badaha laga soo galiyay…marka riski badan bay leedahay, aad u badan….iyo sida nabad in uudan waddankani noqon looga shaqeeyay ee la isugu bahaystay.

Ajaanib na khiyaantay, shidaal la dhacay, sun badaha lagu aasay, khamri iyo daraago badaha laga soo dajiyay, in Soomaaliya aysan nabad noqon oo la isu bahaystay, iyo Soomaalidii waxaas oo jariimo ah gaalada ku caawisay baan wax ka qoray haddana ilaa aan dhinto la daabici maayo, waayo waan cabsanayaa! Maxaan ku tilmaami karnaa? Waxaa jira wax afka Ingiriiska lagu yiraahdo “intellectual cowardice” taas oo ah fuleynimo kelyaha fadhiisata indheergaradka. Tusaale ahaan, aqoonyahan baa mawduuco ama mas’alo cilmi ah wax ka qoraya, laakiin, marka uu qoro ka dib buu ku dhiciwaayayaa in uu soo bandhigo asaga oo ka baqaya in lagu qabsado, ama marka uu shaaciyo ayaa dad kale jaalenji (challenge) gareeyaan markaa buu dooddiisi difaacan waayaa, dabadeedna waa uu isdhiibaa.

Waxa aan iswaydiiyay Professor Yaxye Shiikh Caamir ma intellectual cowardice baa haleelay? Mise waxaa jirta arrin kale? Waa maxay khatarta uu sheegay? Maxa waxa uu u la jeeday dambiyo badan oo khatar ah baa dalkan laga galay mise dambiyadaas kuwii gaystay waxa aan ka qoray shaacintooda ayaa khatar ah oo sidaas baan u la sugayaa ilaa aan galbado? Labadooda tay doonto ha ahaatee Professor Yaxye ma u qalmaa uu ka baqo in dadkiisa la wadaago dambiyada dalkooda iyo dadkooda laga galay? Ma waxa uu ka baqayaa in la dilo ama la xiro haddii uu buugaagtaas faafiyo? Maxuu ka habranayaa? Ma gaalada iyo NGO-yada dalka ka shaqeeya ayuu Professor Yaxye ka xammaashaa sidaas darteed waxa uu ka baqayaa in shaqada laga eryo?

Haddana waxa aan is iri maya, waayo haddii uu kuwaas ka mid yahay wax ka ma uusan qoreen. Professor Cabdi Ismaaciil Samatar baa buuggiisa dhawaan soo baxay ee lagu magacaabo “FRAMING SOMALIA: Beyond Africa’s Merchants of Misery” ku sheegay kooxo Soomaali ah oo shaqaale u ah shisheeyaha ka Faashleeya silica Soomaalida. Waxa aan iswaydiiyay Barofeysarku ma kuwaas buu saaxiibbo badan ku leeyahay sidaas daraaddeed jariimooyinkooda uu qoray hadda waa uu ka habranayaa oo sidaas buu geerida u la sugayaa?

Julian Assange ayaa laga hayaa “jidka ugu wacan ee caddaalad lagu gaaraa waa caddaaladdarrada oo go’a laga jiido.” Ta uu doonaba Professor Yaxye go’aankiisa ha u daliishadee, waxa ay i la tahay in go’aankaasi yahay mid aad u liita oo aan laga filan karin qof Professor Yaxye Shiikh Caamir oo kale ah. Ugu dambayn, waxa aan Professor Yaxye Shiikh Caamir waydiinayaa haddii aad adigu ka habranayso shaacinta jariimooyinka kuwa ka ganacsada silica Soomaalida oo aad ilaa godka la sugayso, ayagu ma ku sugayaan? Sow laga ma yaabo in kuwaas qudhoodu sannad walba tobannaan buug soo saarayaa kuwaas oo ay jahaynayaan aragtida Soomaalida?

GUNAANAD – Waxa aan qormadan gaaban ku soo gunaanadayaa, ugu horrayn, yoolkaygu ma ahayn in aan Professor Yaxye u gefo ama maago, keliya waxa aan doonayay in aan Barofeysarka xusuusiyo doorka ama booska uu bulshada Soomaaliyeed u joogo, iyo xilka ka saaran xaq u ifinta dadkiisa. Waxa aan ku soo afmeerayaa, Professor Yaxye Shiikh Caamirow wax naf noo huro xaqa ayaa ugu mudan, sidaas daraaddeed, waxa aan si xushmad leh kaaga codsanayaa oo kaaga baryayaa in aad si deg deg buugaagtaas u faafiso.

W; Q: Cali M Diini

Hadalsame Media