Taiwan oo markii ugu horreeysey rasaasaysay bartilmaameedyo cireed oo Shiinhuhu leeyahay

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2022 – Millateriga Taiwan ayaa markii ugu horreysay rasaas digniin ah u furay si ay dib ugu celiyaan diyaaradaha uusan duuliyaha saarnayn ee Shiinaha, kuwaasoo duullimaadyo ka sameynayay hawada jasiiradaheeda duleedka ah ee ku dhow Shiinaha.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo nooca drones-ka ah lagu khasbay in ay dib ugu duulaan dhinaca dhul-weynaha Shiinaha.

Xukuumadda Taipei ayaa isbuucyadii la soo dhaafay ka cabaneysay diyaaradaha drones-ka Shiinaha ee ku duulayay agagaarka jasiiradaheeda ku dhow Shiinaha, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Xiisadda ayaa weli kacsan wixii ka dambeeyay markii ay horraantii bishan Taiwan booqatay siyaasiyadda Mareykanka ah ee lagu magacaabo Nancy Pelosi, oo ah afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa howlgallada diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ku tilmaantay “ficil dagaal”.

Taliska Difaaca ee Jasiiradaha Kinmen ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Talaadadii la arkay saddex diyaaradaha drones-ka rayidka ah oo dul wareegaya jasiiradaha Dadan, Erdan iyo Shiyu oo la isku dhaho “Kinmen”. Jasiiradahaas ayaa dhowr kiiloo mitir oo keliya u jira magaalada Xiamen ee ku taalla gudaha Shiinaha.

Waxa ay intaas ku dareen inay holac digniin ah ku fureen diyaaradahaas kaddibna ay rasaas nool nool u adeegsadeen si ay dib ugu celiyaan. Drones-ka ayaa markii dambe u jiheystay dhinaca magaalada Xiamen.

Taiwan-China

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shiinaha weli wax jawaab ah kama uusan bixin warka ugu dambeeyay ee kasoo baxay Taiwan. Balse Xukuumadda Beijing ayaa horraantii isbuucan ku gacan seyrtay cabashada ku aaddan in diyaaradaheeda drones-ka ay dhibaato ka geystaan jasiiradahaas.

“Drones-ka Shiinaha waxay ku duulayaan hawada Shiinaha, maxaa loola yaabayaa taas?” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, oo hadlay Isniintii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa ka carootay hadalladiisa, iyadoo sheegtay in “dadka aan la martiqaadin lagu magacaabo tuugo”.

Bartamihii bishan Agoosto waxaa baraha bulshada si wayn ugu faafay muuqaallo lasoo dusiyay oo laga duubay ciidanka Taiwan oo dhagxaan ku tuuraya drones-ka Shiinaha.

Madaxweyne Tsai Ing-wen ayaa laga codsaday in ay xoojiso awoodda difaaca jasiiradaha.

Isbuucii la soo dhaafay, waxa ay shaaca ka qaadday miisaaniyad qiimihii ugu badnaa abid ah oo loogu qoondeeyay dhinaca difaaca, taas oo lagu kharash gareynayo lacag dhan T$586.3bn (oo u dhiganta $19bn; £16bn).

Maanta oo Arbaco ahna, Taiwan waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay “weerar rogaal-celin ah” haddii ay diyaaradaha Shiinaha iyo maraakiibtiisa soo galaan dhulkooda.

Jasiiradaha Kinmen

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markii ay dowladda Shiinaha sameyneysay howlgalkeedii militeri ee abid ugu weynaa ee lagu cabsi gelinayay Taiwan, waxay hal isbuuc gudihiis dhulka ay sheegato Taiwan u dirtay gantaallo, diyaarado iyo maraakiib dagaal.

Dowladda Taiwan ayaa Beijing ku eedeysay inay militeriga u adeegsaneysay si ay isugu diyaariyaan dagaal ay ku qabsadaan Taiwan.

Shiinaha iyo Taiwan: Waxyaabaha aasaasiga ah

  • Muxuu u xun yahay xiriirka Shiinaha iyo Taiwan? Shiinaha waxa uu Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida u arkaa jasiirad ka mid ah dhulkiisa, waxa uuna ku adkeysanayaa in lala mideeyo dhul-weynaha kale ee Shiinaha, oo xitaa xoog loo adeegsado haddii ay lagama-maarmaan noqoto.
  • Sidee loo maamulaa Taiwan? Jasiiraddan waxay leedahay dastuurkeeda u gaarka ah, waxaa maamula hoggaamiyeyaal si dimuqraaddi ah loo soo doorto, waxayna leedahay qiyaastii 300,000 oo militeri hubeysan ah.
  • Yaa aqoonsan Taiwan? Dhowr dal un baa aqoonsan Taiwan. Inta badan waddamadu waxay aqoonsan yihiin dowladda Shiinaha ee caasimaddeedu tahay Beijing. Mareykanku xiriir rasmi ah lama laha Taiwan, balse waxa uu leeyahay sharci u oggolaanaya in Jasiiraddaas lagu caawiyo inay isdifaacdo.

BBC

Hadalsame Media