”Waxaan ka xunahay dhibka ku dhacay!” – Dal ka fikiraya inuu gargaar deg deg ah u diro dal ay is hayaan oo Muslim ah oo uu dhib haysto

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2022 – Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya ee Narendra Modi ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay daadad ku dhuftay Pakistan, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, islamarkaana burburiyey in badan oo dalkaas ah, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in New Delhi ay dhowaan gargaar u fidin doonto dariskeeda.

Modi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay isniintii shalay qoraal uu uga hadlayo masiibadan dabiiciga ah, isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay in uu arko burburka ay sababeen daadadka Pakistan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska dhibanayaasha, kuwa dhaawacmay iyo dhammaan kuwa ay saamaysay masiibadan dabiiciga ah, waxaana rajaynaynaa in xilli hore ay soo noqoto xaaladdii caadiga ahayd,” ayuu soo qoray Ra’iisul Wasaaraha Hindiya.

Sida ay sheegayaan iloo ay soo xigatey Indian Express, Xukuumadda Modi ayaa hadda ka baaraandegaysa in gargaar bini’aadminnimo loo diro Pakistan si ay gacan uga gaysato wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay daadadkan, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof marka loo eego tirakoobkii ugu dambeeyey.

Inkastoo uu warqaadku sheegay in aan go’aan kama dambays ah weli la gaarin, haddana waxay xustay in “madaxda sare” ay ka wada hadlayaan tillaabada suurtagalka ah.

Haddii la ansixiyo, waxay noqon doontaa wareeggii ugu horreeyey ee gargaar bini’aadminnimo ee Pakistan gaara tan iyo markii Modi uu xafiiska qabtay 2014-kii, inkastoo dowladihii hore ay bixin jireen gargaar xilliyada masiibooyinka dabiiciga ah, sida daadadkii 2010 iyo dhulgariirkii 2005.

Hadalsame Media