Gabadha Afrika ugu ”taajirsan” oo looga dhaartay inay ka qaybgasho duugta aabaheed oo ka mid kali-talisyadii Afrika + Sawirro

0

(Luanda) 27 Agoosto 2022 – Gabar lagu tilmaamo inay ka mid tahay haweenka Qaaradda Afrika ugu hodonsan ama ugu taajirsan ee Isabel dos Santos oo loo diidey inay ka qaybgasho aaska aabeheed xaalad siyaasad awgeed.

Sawirka idiin muuqda waa diyaaradda Angola Airlines oo dejinaysa maydka Madaxwaynihii hore ee dalkaas Jose Eduardo dos Santos oo bishii Luulyo ku geeriyoodey dalka Spain, iyadoo ay Isabel xitaa xilligaa dalbatay in la baaro sababta geerida.

Dos Santos wuxuu ka mid ahaa kaligii-taliyeyaashii qaaradda Afrika ugu waqtiga dheeraa, wuxuu dalkaasi ka talinayay laga soo billaabo 1979-kii illaa 2017-kii taasoo ahayd muddo 38 sano ah.

Wuxuu ahaa 79 sano jir ay bil iyo dhowr cisho oo kaliya uga harsan tahay sanaddii 80-aad. Muddo ayuu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Buuq dheeer kidib 20 kii bishan Agoosto ayaa maydkiisa oo la sido laga dejiyey Garoonka Caalamiga ah ee magaalada caasimadda Luanda, dalka Angola.

Dad aan badnayn oo kumannaan ah ayaa ku sugnaa garoonka markii maydkiisa laga soo dejinayey iyadoo ay maydka Santos xaaskiisii oo qur ihi la socotey, maadaama xubno badan loo diidey.

Joao Lourenco oo ah ninka xilka ka dhaxlay ninka dhintay ayaa markii labaad ku guulaystey madaxwaynenimada Angola todobaadkan doorashooyinkii la qabtay oo uu dhaqdhaqaaqa caanka ah ee Xoraynta Angola (MPLA) uu helay 51.07% halkan UNITA ay heshay 44.05%. Lourenco iyo MPLA ayaa sidoo kale 56% ka helay Baarlamanka dalkaasi oo leh 220 fadhi.

Munaasabadda baroordiiqda iyo aaska ayaa maanta ka bilaabmaysa, iyada dhammaanaysa Axadda berri ah, isla goobtaas, iyadoo uu Santoos ka tegey dal ay xasarad siyaasadeed ka jirto oo ay laba xisbi doorashada isku hayaan, iyo guud ahaan qaarad uu ka mid ahaa kuwii mugdiga u horseeday.

Taariikhda ayuu meel madow ka galay dhimashadiishuna waxay tusaale u tahay kaligii-taliye kasta iyo siyaasi kasta oo aan umadda wax tarin halka u dambaysa ee bahdilka ah.

W; D: Cumar Maxamuud Amoore

Luanda, Angola

Hadalsame Media