Ogow sababta ay Jubaland uga mid tahay khilaafyada ugu waawayn dalka Somalia?!!!

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2022 – Ninba dahab lumay si’ u doondoon – Mushkiladda colaadda Soomaaliya waxaa tiir-dhexaad u ah gobollada Jubbooyinka.

Dhammaadkii qarnigii 18-aad, illaa iyo maanta, waxaa ka socda gobollada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya baratan iyo loollan dhinaca kheyraadka (resource contest) iyo xukumidda dhaqaalaha (economic control), hardankaas oo kooxo kala duwan ay isku dayayaan inay ku hantiyaan dhulkaas, kuwii dhulka iska lahaana ay ku adag tahay qaab ay isaga difaacaan kuwa doonaya inay dhulkooda ku dhaxal-wareejiyaan.

Xusul-duubka loogu jiro hanashada Jubbooyinka oo, run ahaantii, ku saleysan cirweynin, wax-badsi, damac waalan iyo dhul-boob wuxuu ka xoog badan yahay kii uu buuggiisa Xeradii Xayawaanka (Animal Farm) uga qisooday George Orwell sannadkii 1944-kii, taasoo caqiidadii ka soo dhex baxday ay noqotay in bini’aadamku ay siman yihiin, laakiin ay jiraan kuwo ka sinnaan badan kuwa kale (all humans are equal, but some humans are more equal than others).

Maskax-maalka ajnabiga ah ee sida qotada-dheer ah wax uga qora dhibaatada Soomaaliya, waxay rumeysan yihiin in gobollada Jubbooyinka ay yihiin udub-dhexaadka dagaalka sokeeye ee Soomaaliya iyo meesha ugu dambaysa ee colaadaha ahliga ah ay ka sii socon doonaan. Waxa ay ku sababeeyaan kheyraadka gobolladaas ay gaarka u leeyihiin iyo sida koox walba ay u doonayso inay manaafacaadkaas ku marooqsato; “Dahab la miiray iyo mid aan la deyn karin.”

Catherine Besteman iyo Lee V. Cassanelli oo ah laba Anthrapologist ayaa buugga The Struggle for Land in Southern Somalia: The War Behind the War “Hardanka Dhulka ee Koonfurta Soomaaliya: Dagaalka uu ka sii dambeeyo Dagaalka” ku soo bandhigay in Soomaaliya aysan ka bixi doonin colaad iyadoon xal loo helin arrinta Kismaayo iyo guud ahaan Jubbooyinka.

Taariikhda Jubbooyinka
Gobolladan ayaa sida buugaagta ku qoran waxaa dadkii ugu horreeyey ee deggenaa dhinaca xeebta lagu sheegaa inay ahaayeen qowmiyadaha loo yaqaanno Baajuun iyo Jareerweyn, kuwaasoo ahaa dadkii ugu horreeyey ee sahmiyeyaashu ay gobolladan ku arkeen. Waxaa kaloo la rumeysan yahay in Gaaljecel, Sheekhaal iyo Cowramaleh ay iyaguna ahaayeen dadkii deggenaa berriga.

Hase ahaatee, deegaankan ayaa wuxuu hadda noqday mid muran badan uu ka taagan yahay dhaxalkiisa. Beelihii asaliyan deggenaa gobolladaas ayaa waxaa si xowli leh, xorriyaddii Soomaaliya kaddib, xoog ugala wareegay dhulkooda – iyagoo taageero ka helaya awoodda dowladda – beelo ka soo hayaamay deegaannadoodii (fiiri cilmi-baarista Bestman 1994). Markii ugu horreysay dad soo naqraacay ayaa Jubbooyinka soo degay dhammaadkii qarnigii 1880-aad mar ay abaar kulul ka dheceen dhulka Soomaali Galbeed (fiiri Turton 1970, Dalleo iyo Little 1992), waxayna degeen Afmadow, laakiin dad kale oo iyaguna ka soo haajiray gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si habqan ah gobolladan ugu soo qulqulay sannadihii 1940-meeyadii iyo 1960-meeyadii.

Sida uu leeyahay Peter D. Little oo Anthropology ka dhiga University of Kentucky, qoysas ka soo jeeda Waqooyi Bari ayaa 1940-meeyadii ka soo tagay gobolladoodii, waxayna soo beegsadeen Kismaayo. Billowgii hore ee soo degitaankooda waxaa ka hor yimid beelihii gobolka deggenaa, laakiin waxay gacan ka heleen gumeysigii Ingiriiska oo ka talinaayey Soomaaliya 1940 illaa 1950, waxaana ay u noqdeen gacan yareyaal iyo shaqaale.

Peter Little wuxuu rumeysan yahay in beelihii gobolka u soo hayaamay ay ka mideysnaayeen barakicinta beelihii gobolka Jubbooyinka xaqa u lahaa (fiiri daraasadda Rural Herders and Urban Merchants: The Cattle Trade in Southern Somalia). Waxaa dhacday in markaas kaddib gobollada Jubbooyinka loo bixiyey magaca “Alabama,” maadaama uu ka taagnaa dagaal la mid ah kii madowga iyo caddaanka ku dhex maray waddanka Mareykanka.

Goshaland mise Jubbaland?
Marka ay dadku ku murmaan milkiyadda lahaansho dhuleed, waxaa la doonaa culumada cilmiga Archaeology, si ay baaritaan ugu sameeyaan dhulka iyo Architecture-ka. Waxa ay Archaeologists-ku raadiyaan wax raad ah oo ka dhexeyn kara dadka dhulka iska leh iyo kuwa ku haysta. Meelaha ay baaritaanka ka billaabaan waxaa ka mid ah dhulka, qabuuraha maydka, dhismayaasha qadiimka ah iyo buugaagta laga qoray dadka iyo deegaanka. Magacii hore ee loo yiqiinnay gobollada Jubbooyinka ayaa wuxuu ahaa Gosha, dadna dhulka degganna waxaa loo yiqiinnay magacyada; Reer Goleed, Reer Gosha, Shambara iyo Mushunguli (fiiri Menkhaus). Waayadan dambe ayaa waxaa soo baxay dad isku dayaya inay xalaaleystaan gobollada Jubbooyinka oo ku gabbanaya magacyo ay iyagu sameysteen, sida reer Waamo iyo wixii la mid ah, kuwaas oo dadka dhulka iska leh ay u yaqaanniin “kooyto” iyo “galti.”

Waxay dadka deegaanka iska leh, ka hor intaan lagu soo duulin lana qabsan gobolladooda, ay lahaan jireen suldaan la oran jiray Nasiib Buunda, kaas oo madax u ahaan jiray gobollada Jubbooyinka xilligii loo yiqiinnay Gosha. Qarnigii la soo dhaafay ayaa waxay xooggooda isugu geeyeen reer Gosha sidii ay isaga caabin lahaayeen dadkii u soo duulaan tagay dhulkooda.

Sannadihii 1950-meeyadii xilligii Soomaaliya ay u halgamaysay inay xorriyad ka qaadato gumeystayaashii haystay ayaa madax-dhaqameedyadii reer Gosha ee xilligaas waxay la xiriireen Qaramada Midoobay, iyagoo weydiistay in Jubbooyinka la raaciyo waddanka Kenya (fiiri Menkhaus). Cabsida ay qabeen ayaa waxay ahayd in dowladda dhalan doonta ee Soomaaliya ay u xalaaleyso dadka qabsaday dhulkooda, waxaana dhab ahaantii dhacay wixii ay ka walaacsanaayeen.

Intii ay xukunka Soomaaliya hayeen dowladihii rayidka iyo tii ka dambaysay ee militariga ayaa dadweynaha Gosha waxay la kulmeen dhibaatooyin fara badan. Waxay ku dhex qasmeen tartan u dhexeeya kooxo dhiigmiirad ah oo xukunka hayey, kuwaas oo istaraatiijiyaddoodu ahayd inay helaan meel ay ka koontarooli karaan deeqaha caalamiga ah (eeg Prof Cabdi Samatar).

Shacabkii degganaa tuulada Buulo Nasiib oo ku taalla Jubbooyinka ayaa sannadkii 1986-kii waxay Professor Menkhaus uga sheekeeyeen qaabka dowladdii Maxamed Siyaad ay u dhici jirtay, ulana wareegi jirtay dhulkooda. Dad deegaanka ah ayaa Professor-ka ku yiri, “Nin dowladda militariga u shaqeeya ayaa ka yimid Muqdisho, wuxuuna noola yimid warqado uu ku sheeganayo dhulkeenna, waxaana dhacay muran. Markii aan murankii ula tagnay saraakiishii maamulka gobolka, waxay nagu yiraahdeen dooddiinu dokumenti ma lahan, waxayna beereheenna ku wareejiyeen ninkii waraaqaha sitay ee dhulkeenna sheeganayey.”

Dad kale oo isku dayey xilligii militariga inay racfaan ka qaataan go’aannada ay dowladdu sida qasabka ah ugula wareegi jirtay dhulkooda ayaa waxaa lagula kacay handadaad iyo xarig, meelaha qaarna waaba lagu jirdilay. Waxaa, sida badan, dhulkooda lagu abaal marin jiray dad kale oo dowladdii kacaanka – oo xaaladdu ku soo xumaanaysay – ay u arkeysay inay ka helayso taageero siyaasadeed iyo mid militari. Tusaale, Jubba Sugar Project ayaa dowladdii militarigu waxay madax uga dhigtay General Cabdi Maxamed Saxardiid oo ka soo jeeday deegaanka Sool.

Maadaama bulsho ahaan ay dadweynihii asalka u lahaa gobollada Jubbooyinka ay ahaayeen dad xirfadleyaal ah oo xoola-leey iyo beeraleey isugu jira, waxaa ku adkaatay inay wax jawaab ah ka bixiyaan wixii loogu yeeri jiray ‘qarameynta’ ee lagula wareegayey deegaannadooda. Xaaladdu si kale ayay isu bedeshay markii iyagii dhulka lahaa ay shaqaale ka noqdeen beerahoodii oo ay yeesheen dad dhulkooda qaatay (squatters). Caddaalad-darradaan bareerka ah ayaa waxay ka mid ahayd habaarkii biiray ee burburiyey Soomaaliya.

Halka gobolkooda loo soo hayaamayey ayaa iyaguna (reer Gosha) waxay u sii hayaamayeen Muqdisho iyo meelo kale, iyadoo weliba ay gobolka ka socdeen xilligaas mashruucyo lagu bixiyey in ka badan 200 oo milyan oo dollar, sida Fanoole Rice Farm, Mobambo Irrigation Project iyo Jubba Sugar Project. Dhammaan dhulkii mashruucyadan laga hirgelinayey ayaa waxay ahaayeen beero ay dowladdu boobtay, iyadoon waxba u celin dadkii lahaa. Waqtigii uu soo dhawaanayey dagaalka ahliga ah ayaa waxaa dhulka Jubbooyinka ka socday carruur lagu shaqeeyo iyo maxaabiis aan maxkamad la soo taagin oo lagu falo beeraha.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, wuxuu reer Gosha u noqday nasiib wanaagsan oo ay kula soo noqon karaan dhulkooda illaa iyo inta laga helayo qaran lagu mideysan yahay (fiiri Menkhaus). Hase ahaatee, iyaga oo aan hubeysnayn awgeed waxaa ku adkaatay inay dhulkooda la soo noqdaan, waxaana korkooda ku dagaallamayey (welina ku dagaallamaya) kooxo dhammaan u malabsanaya kheyraadka gobollada Jubbooyinka. Sababtu waxay tahay, dirirta iyo dagaallada ku saleysan ‘tartanka deegaanka’ waxay ka mid yihiin xaaladaha caadiga ah ee waaya-aragnimada Soomaalida (eeg buugga Lewis).

Waxaa dadkii Gosha ku dhacay barakac aad u ballaaran oo ay kaga haajireen dhulkii ay ab-ka-ab degenaayeen. Waxaa waxyeello xoog leh sii gaarsiiyey dagaallada aysan iyagu qaybta ka ahayn. Loollan ku qotoma gacan ku haynta gobolladan oo dhex maray jabhadihii ay horkacayeen General Caydiid, Colonel Jees, General Morgan, Colonel Goobaanle iyo Colonel Barre Hiiraale ayaa sii laba jibbaaray mixnaddii ay dhex maquuranayeen dadka deegaanka leh.

Warbixin la diyaariyey xilligan colaaddu weli socoto ayaa tilmaamaysa in dhowrkii sano ay mar dhacdo macluul ku habsata gobolka. Ugaadhii iyo duurjoogtii ayaa iyaguna ku qaxay xabadda socota. Waxaa kaloo meesha ka baxay xilliyadii xisaabsanaa ee tacabka beeraha ee ay lahaayeen dadka deegaanku, sida Laba-mooyaale, Laba-Maalisley iyo Laba-Maylinley. Wuxuu noqday gobolku, baaxadda dhibaatada dhacday darteed, mid ku dhowaada nabaad-guur.

Dhul ninkiisi baa iska leh
Haddaba, sannado badan oo qalalaase iyo fowdo ay soo dhex dabaalanayeen ayaa dadweynaha Gosha waxay hadda isku dayayaan, iyagoo dhulkooda laga fara-maroojiyey, sidii ay naftooda ku badbaadin lahaayeen. Inay tahay xaq-darrada Jubbooyinka ka taagan iyo in kale ayaa waxaa is bedelay jawigii joqoraafiga (geographical condition) ee gobolladaan, waxaana yaraaday roobabkii biyaha badnaa ee ku di’i jiray (fiiri khariiradda NOAA iyo CRES, Australia).

Qaramada Midoobay oo ku baraarugsan colaadda cakiran ee gobolladan ka oogan ayaa sannadkii 1994-kii waxay qabanqaabisay shirweyne dib u heshiisiin oo laysugu keenay beelaha ku muransan Jubbooyinka oo isugu jiray kuwii asaliga ahaa iyo kuwii gadaal uga soo duulay. Shirkan waxaa guddoomiye ka ahaa General Maxamed Ibraahim Axmed (Liiqliiqato). Wax kastoo ka soo bixi karay, waxaa hor istaagay colaado dib u billowday iyadoo shirku socdo.

Waxaa musiibo ah in gobollada Jubbooyinka ay hadda ku dirirayaan kooxihii ku soo duulay qaar ka mid ah oo ku andacoonaya inay iyagu leeyihiin, iyadoo Soomaalidii kale ay daawanayaan. Daawada gobolladan ayaa waxay tahay inuu noqdo dhul Soomaali u dhexeeya oo aan cid gaar u sheegan karta aysan jirin, maadaama dadkii asalka u lahaa aysan wax awood ah u lahayn inay ka arrimiyaan dhulkooda oo noqday mid lagu tilmaamo dhulkii maydka nool (the Land of the Living Dead).

Si kasta ha ahaatee, xalka gobolladan ayaa waxaa kaloo keeni kara dowlad caddaalad ah, isla markaana doonaysa inay dalka ku maamusho caddaalad. Laakiin, nasiib darro dowladda Mbagathi oo oggolaatay in laba beel, oo midba tan kale ku sifeysay argagixiso, ayna horsocdaan Col Fartaag iyo Col Afguduud, ay ka xaaltamaan Kismaayo ayaan ahayn midda aan ka hadlayo – waxay taasi petrol ku sii shubaysaa dabka ka oogan gobolladaan. Haddaba, goormee xal dhab ah laga gaari doonaa arrinta Jubbooyinka oo fure u ah furdaaminta mushkiladda kala irdheysay Soomaalida (fundamental basis of Somali conflict)?

Tixraac (Bibliography)
1. Craufurd, Clifford H. “Journeys in Gosha and beyond the Deshek Wama (Lake Hardinge).”
2. Menkhaus, Kenneth. “From Feast to Femine: Land and the State in Somalia’s Lower Jubba Valley.”
3. Little, Peter D. “Rural Herders and Urban Merchants: The Cattle Trade in Southern Somalia.”
4. Besteman, Catherine. “Local Land Use Strategies and Outsider Politics: Title Registration in the Middle Jubba Valley.”
5. Menkhaus, Kenneth and Craven, Kathryn. “Land Alienation and the Imposition of State Farms in the Lower Jubba Valley.”
6. Samatar, A. I. “The Predatory State and Peasantry: Reflections on Rural Development Policy in Somalia”.
7. Cassanelli, Lee. V. “Society and Culture in the Riverine Culture of Southern Somalia.”
8. G, Schlee, “Regularites dans le chaos: traits recurrents dans l’organisation politico-religieuse et militaire de Somali.”
9. Summer, John G. “Hope Restored? Humanitarian Aid in Somalia, 1990-1994.

Isha: BARAARUG LIBRARY

W; D: Maxamed Xaaji “Ingiriis”

FG: Maqaalkan waxa la qoray 1-da Luulyo 2007. Waa qoraal 14 sano jirsaday.

Hadalsame Media

Facebook Comments