Tigreega oo ku dhaqaaqay arrin ay shidaal fara badan ku heleen & shaki ka taagan

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2022 – Warar soo baxaya ayaa xaqiijiyey in weerarro hor leh ay soo qaadeen fallaagada Tigreega ee ka dagaallamaya woqooyiga Itoobiya xilli ay DF sheegtay ciidamada Cirka ee Itoobiya ay soo rideen diyaarad hub u siddey kooxdan TPLF.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo jabhadaha ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu wiiqayo dadaalladii lagu doonayey in si nabad ah loogu xalliyo dagaalka ba’an ee 21-ka bilood ka socdey waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, waxayna eedda isku dhaafsadeen cidda mas’uulka ka ah inuu dib ugu soo laabto dagaalku.

Yeelkeede, Warar kale oo kasoo baxaya dhanka Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in ciidanka Tigreegu ay bililiqaysteen 570,000 oo liitar oo shidaal ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay si xoog ah kusoo galeen xarun ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP oo ku taalla magaalada Mekelle oo ah caasimadda Tigraay, sida uu xaqiijiyey madaxa hay’addaas David Beasley.

Arrintan dambe ayaa weji gabax ku noqonaysa hay’aadka Galbeedka oo aad ugu hiillinayey Tigreega lama se oga in arrintan la isla ogyahay iyo in kale.

Hadalsame Media