Ukraine oo berri samaynaysa arrin ay ku ”bahdilayso” Ruushka & waxa ay qorshaysay (Daawo)

0

(Kyiv) 23 Agoosto 2022 – Ukraine ayaa qorshaynaysa inay soo bandhigto daraasiin gaadiid dagaal iyo taangiyo ah oo laga gubey Ciidamada Ruushka, dhoollatus qaabaysan oo ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

In the Ukrainian capital, dozens of completely burned-out Russian military vehicles will be publicly displayed along Khreshchatyk Street and Maidan Nezalezhnosti on 24 August to celebrate Independence Day.

Caasimada Ukraine, ayaa daraasiintan baabuur millateri ah ee uu Ruushku leeyahay meel fagaare ah loogu soo bandhigi doonaa gaar ahaan waddooyinka Khreshchatyk iyo Maidan Nezalezhnosti 24ka bishan Agoosto oo ku beegan berritoole, si loogu dabaaldego wax lagu sheegay ”Maalinta Madaxbannaanida”, tiiyoo ay Ruushanku haystaan 20% dalkaasi.

24-ka Agoosto waxay ku beegan tahay maalinta xorriyadda ee 31-aad ee Ukraine, taas oo sharfaysa ku dhawaaqiddii madaxbannaanida Ukraine ee lagu dhawaaqay kaddib markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti 1991-kii.

Gawaaridan gaashaaman iyo qaar kale ayaa haatan lasii rigaynayaa si berri loogu daawado jidadka loo asteeyey, wax u eg qaab uu nidaamka Kyiv maagayo inuu ku bahdilo dalka Ruushka, waloow uu dalkii oo dhami ku dhowaad burbursan yahay.

Hadalsame Media