DIB U EEGIS: Hab-howleed gaar ah oo ay u dhaqmaan Ciidamada Alpha Group oo uu tuhun ka dhashay (laba la is waydiinayo)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2022 – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeysay soo geba-gebeeyey haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat ee agagaarka KM4 ee Muqdisho oo qaadatay 30 saac, sida uu sheegay taliye sare oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, kaas oo codsaday inaan la magacaabin.

Qaybtan waxaan ku eegaynaa Ciidanka loo yaqaan bandhig-howleedka iyo midka howlgal ee aadka loo saluugey ee Ciidanka Gaashaan (ex Alpha Group) oo ah ciidan yar oo si gaar ah u tababaran oo ka amar qaata CIA-da Maraykanka islamarkaana deggan Xerada Xalane.

Ciidamadan oo markii dambe loo bixiyey Gaashaan ayaa markii aanu dib u raacnay galalkooda waxaa soo baxday inay dumiyeen ku dhowaad guri kasta oo ay Shabaab galeen ee iyaga birmad ahaanta loogu yeertey.

”Waxay gaar ahaan duqaynta iyo miinaynta guryaha bilaabaan xilliyada dambe ee habeenka marka ay dadku seexdaan, waxaana subixii lagu soo toosaa dabiqii taagnaa oo burbursan.” ayuu yiri qof si gaar ah ula socdey howlgalladii ay kooxdani samaysay sanadihii ay jireen.

Waxaa ay dad badani Hadalsame Media u sheegeen in hab-raaca Ciidanka Alpha Group uu dhigayo in la wada burburiyo meesha waxa ku dhex jirana la wada laayo, balse waxaa kaliya ay su’aali ka taagan tahay laba arrimood:

1 – Ma qorshe-howleed loosoo dejiyey oo raaca lagu soo yiri baa?

2 – Mise waa ka tabar iyo fulaynimo oo ay waxay diidayaan inay naf-huraal sameeyaan oo ay dagaal si toos ah u galaan si ay wax u badbaadiyaan iyagoo naftooda miiska saaraya?

Middii ay tahayba, waloow ay aad usoo daahday inay dadku fahmaan hab-dhaqanka kooxda Alpha Group oo maanta la garowsaday in dad badan oo ku dhintay hoteellada la weeraray inay iyagu sabab u yihiin, waxaa caddaan ah inaan dib dambe loo aamini doonin xalka qura ee jiraan uu yahay in la kala diro ama uu Maraykanku gaysto meeshii kale ee ay u anfacayaan.

DF Somalia waa inaysan dib dambe u adeegsan Alpha Group, haddii ay mar dambe shacabka hor keenaanna waxaa caddaanaysa inay ku qanacsan yihiin habdhaqankooda oo ah in kooxda weerarka soo qaadday lagula heeso halka ay weerareen.

Tifaftirka

Hadalsame Media