CAQLIYAD CAWARAN: Arrin ay xalay kaamiradu qabatay oo loo fasiran karo sababta sahlaysa inay MUQDISHO silac u joog ahaato (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2022 – Waxaan weli la xallin weerarka lagu qaaday Hotel Xayaat oo ku yaalla meelaha fikrad ahaan la aamisan yahay inay magaalada Muqdisho ugu ammaan badan yihiin. Qayb ahaan waa habacsanaanta ammaanka iyo rabitaan la’aanta in wax la hagaajiyo.

Ha yeeshee, hal arrin oo dareenka dadka soo jiidatey aadna ay uga hadlayaan Soomaalida ayaa waxaa soo duubay qof ka ag dhow goobta ay dhibaatadu ka taagan tahay.

Waxaa uu qofka muuqaalkan duubay uu isu eegayaa meesha ay rasaastu ka socoto ee ay dadku ku dhimanayaan ciidamaduna isku hor fadhiyaan iyo meel aan ka fogayn oo ay dhallinyaro kubbad ku ciyaarayso.

Halkan hoose ka DAAWO….

Dadka qaar ayaa arrintan la aqbalsiiyey iyadoo loogu micneeyey ”adkaysi, quus la’aan, geesinnimo” iyo kelmado kale oo seexin ah, balse xaqiiqdii waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo ”Sheepish Attitude”, taasoo ka dhigan in ficil la’aan la iska taagnaado oo uu qofku tookaysto dharbaaxada oo uu markiisa uun sugto.

Waa la qiyaasi karaa in ummadda in badan oo ka tirsani ay la bestood yihiin PTSD iyo dhibaatooyin kale oo nafsi ah kaddib dhibaatadan daba dheeraatay, balse hadaadan dareenkaaga kusoo jeedin dhibka ku haysta oo aadan xallin waxaad la mid tahay sida qof aan iska baqtiin ama ugu yaraan ka cararin dab dambaaburo wata oo kusoo fooggan.

Beri aan qiyaasayo in la weeraray meelo ay ku jirto Villa Somalia ayaa waxaa degelkiisa qoraal kusoo qoray qof aan ku qiyaasayo Cabdulqaadir Dulyar, wuxuuna ku saabsanaa inuu wacay qof uu yaqaan oo ay isku soo qaateen weerarka.

Ha yeeshee, qofkii ayaa mar qura lasoo boodey: ”War weerarka wareerkiisa iga daaye iiga warran ciyaarta labada Manchester?” Waa laba kooxood oo jooga dhul nabdoon oo ku yaalla woqooyi galbeed England, halka qofkaasi aanu uba jeedin dabka uu ku taagan yahay ee isaga uun xalka uga baahan.

Aragtida ah in dhibka loo adkaysto halkii xal loo raadin lahaa waxaa xitaa Soomaalida ku dhiirigeliya reer Galbeedka oo malaha iyagu wata ajende fog oo ku dhisan aragtida la yiraahdo ”joogtaynta xaaladda taagan” ama ”dayactirka khilaafka”, balse taasi waxba uguma toorna Soomaalida bilaa micnaha ku le’anaysa ee sidan ku adduun iyo aakhiraba seegaysa.

Dhib waa la iska dheereeyaaye lalama noolaado loomana dulqaato. Qiyaas haddii dalalka ku yaalla cirifyada qabow ee dunidu ay barafka u adkaysan lahaayeen oo aanay kululeeye (heater) samaysan lahayn soow Tiibisho iyo Qaar-jeex uma wada dhiman lahayn?

Shaqo guri u qaado oo is caymi ama iska sii ciyaar inta berri adigana lagu cawarayo.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media