Dal Khaliiji ah oo hawadiisa uga dhaartay dayuuradaha Israel & dal la sheegay inuu tillaabadan ku cadaadiyey

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2022 – Waddan Khaliijka Carabta ka tirsan ayaa la sheegayaa inuu cadaadis xooggan kala kulmayo dalka Iran si aysan u raacin Sacuudiga oo duulimaadyada Israel u oggolaaday inay hawadiisa maraan.

Cumaan ayaa diidaysa inay duullimaadyada Israel u ogolaato inay soo maraan hawadeeda, iyadoo aqbashay cadaadiska Iran ee xooggan, sida lagu sheegay warbixin Khamiistii shalay lagu qoray warqaadka Israel Hayom.

Diyaaradaha Israel ayaa u baahan inay maraan hawada sare ee Gacanka Persia kaddib ku dhawaaqistii Sacuudiga ee bishii hore ee ahayd in ay hawadeeda u furi doonto dhammaan shirkadaha diyaaradaha, oo ay ku jiraan duullimaadyada ku jeeda ama ka jeeda Israel.

Rajadu waxay ahayd in Cumaan ay iyaduna furto hawadeeda oo ay noqoto mid rasmi ahaan u raacsan tillaabada Sucuudiga, taas oo si wayn u dhimaysa waqtiga safarka ee ku socda bariga Aasiya sida India, Thailand iyo Shiinaha.

Duulimaadyada Tel Aviv ilaa Aasiya waxay ahayd inay hore uga fogaadaan Jasiiradda Carabta, iyagoo safarkooda ku darayey 2-3 saacadood, balse waxaa sidoo kale muhim ah inay dul maraan Cumaan si ay waqti iyo shidaal kale u beeqaamiyaan, sidii uu rajanayey Dina Ben-Tal, Agaasimaha Guud ee El Al Israel Airlines.

Yeelkeede, “Iran ayaa dalkan ku cadaadinaysa inuusan Israel u fasixin hawadiisa,” sida uu qabo Dr. Yoel Gozhansky, oo ah Cilmi Baare Sare oo ka tirsan Institute for National Security Studies, oo la hadlay Israel Hayom.

Hadalsame Media