Baarlamanka oo u codaynaya Xukuumadda cusub ee RW Barre (Intee la’eg tahay rajadeedu?)

0

(Hadalsame) 07 Agoosto 2022 – Waxaa hadda fadhiya Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, kuwaasoo ajendohoodu uu yahay u codaynta kalsooni siinta ama ansixinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.

2-dii bishan Agoosto ayaa lasoo dhisay Golaha Wasiirrada magacaaban oo ka kooban wax ku dhow 80 xubnood, iyadoo uu jiro guux ka imanaya dhinacyo kala duwan.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale jirey dedaallo ku dhisaalan xeelado kala duwan oo lagu doonayo in xukuumaddu ay marto Baarlamanka oo la ansixiyo.

Xogaha aannu heleyno ayaa waxay u badinayaan in la ansixin doono Xukuumadda cusub, sidii inta badan caadada ahayd, balse markaa kaddib lama oga waxa ay saadaashu noqon doonto.

Hadalsame Media