McDonald’s ha isku ceebaynin haddii aad 18 jir ka yar tahay (Saacadaha, sababta & sida aad ku geli karto?)

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2022 – Makhaayada cuntada degdega ah ee McDonald’s ayaan u khidmayn doonin dhammaan dhallinyarada ay da’doodu ka yar tahay 18 jirka saacadaha fiidkii, sabab la xiriirta weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah shaqaalaheeda oo lagula kacay weerar af iyo addinba ah.

Mamnuuciddan ku meel gaarka ah ee 18-ka yar ee aanu qof mas’uul ihi la socon ee soo gelaya makhaayadda kaddib 5pm ayaa dhowaan laga dhaqangaliyay McDonald’s ku yaal Lord Street, Liverpool.

Mid ka mid ah macaamiisha ayaa u sheegay Manchester Evening News inay maqlayeen waardiye u sheegaya nin dhallinyaro ah siyaasaddan cusub.

Waxay yiraahdeen: ‘Markii aan ka soo baxayey ayuu waardiyihii istaajiyey nin uu rumaysan yahay in uu dhallinyaro ahaa, wuxuuna u sheegay in aysan u ogolaanayn dadka ay da’doodu ka yar tahay 18-sano jirka in ay makhaayadda soo galaan 5-ta galabnimo (17:00) kaddib isaga oo aan qof wayni la socon.

Macmiilku waxa kale oo uu goobjoog u ahaa ‘kooxo badan oo caruur’ ah oo laga soo bixinayo shaneemo u dhow habeen kasii horreeyey.

Hadalsame Media