”Sidan kuma socon karno!” – Xisbi 3-aad oo isbeddel doon ah oo kasoo baxay Maraykanka (Jamhuuri & Dimoqraadi diga rogtey oo ku midaysan)

0

(Washington, DC) 30 Luulyo 2022 – Jamhuuriyiin iyo Dimuqraadiyiin hore ayaa isku faraq xirtey si ay u abuuraan xisbi qaran oo dhexda raacsan (Centrist) si uu u daboolo rabitaanka dadka Maraykanka ee sheega inay ka daaleen nidaamka siyaasadeed ee Maraykanka ee aan shaqaynayn ama cilladaysan.

Xisbigan cusub oo lagu magacaabo Forward Party, ayaa waxaa wada guddoominaya musharaxii hore ee xisbiga Dimuqraadiga Andrew Yang iyo Christine Todd Whitman, gudoomiyihii hore ee Jamhuuriga ee New Jersey.

In kasta oo Xisbiga Hore ee Yang la aasaasay Oktoobar 2021, hadda wuxuu ku biiray laba urur oo kale: Dhaqdhaqaaqa Cusboonaysiinta Maraykanka (Renew America Movement), ee Jamhuuriyiintii hore, iyo Dhaqdhaqaaqa Adeegga Maraykanka (Serve America Movement).

Hogaamiyayaasha ururkan siyaasadeed ee haatan soo shaac baxay ayaa rajaynaya in ay ka horyimaadaan nidaamka labada xisbi ee soo jireenka ah ee Maraykanka, iyaga oo ku andacoonaya in uu u kala qaybinayo Maraykanka xeryo kala duwan, halka xisbiga Forward uu doonayo in uu isu keeno.

“Midig iyo Bidix midna ma aha Forward,” ayaa lagu yiri halku-dheg ku soo baxay mareegta rasmiga ah ee xisbiga.

Qoraal ra’yi ururin ah oo lagu daabacay wargayska Washington Post Arbacadii, hoggaamiyeyaashani waxay ka dhawaajiyeen qeylodhaan ku saabsan xaaladda Maraykanka ee hadda, iyagoo dhaleeceeyay “xagjirnimada siyaasadeed” ee “kala goynaysa qarankooda” islamarkaana horseedaysa inay dhalato “cabsigelin siyaasadeed.”

“Haddii aan waxba la samayn, Maraykanku ma gaari doono sanad-guurada dhalashadiisa 300-aad ee qarnigan isagoo leh qaab la aqoonsan karo,” ayay ku qoreen bayaankooda, iyaga oo raaciyey in dadka Maraykanku ay lumiyeen kalsoonidii dawladooda.

Maraykanka, ayay yiraahdeen, “ayaa si xun ugu baahan xisbi siyaasadeed oo cusub – mid ka tarjumaya dhexdhexaadnimada, aqlabiyadda leh caqliga saliimka ah.”

“Xisbiyada gaboobey ee maanta jiraa waxay ku guuldarraysteen inay wax ka qabtaan dadka cirifyada lagu moosay.

Natiijo ahaan, inta badan dadka Maraykanka ihi waxay sidaa darteed dareemayaan inaan lagu matalin siyaasadda.” ayay raaciyeen.

Hadalsame Media