Dhismaha xukuumadda oo dhammaad ku dhow & wasaaradaha ay tahay in meel gaar ah la dhigo (Si deggan u dhuux)

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2022 – Wexey u eg tahay in liiska wasiirradu gabgabo yahay. Hayeeshee, farriin in la sii adkeeyo u baahan ma hayn karo.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha culays iyo cadaadis badan baa la saarayaa, laakiin dadka cadaadiska saarayaa berri eedda la qaadi maayaan ee anfaca ayay u xilanayaan.

Wasaarado aan gorgortan iyo cadaadis midna la aqbali karin ayaa jira oo nolosha dalka iyo dadku ku xiran tahay.

1) Wasaaradda Amniga: Xilkeeda cid og, aqoon iyo xirfad iyo qorshe u leh ayey u baahantahay, (xuunsho) uma baahna.

2) Wasaaradda Gaashaandhigga: Ciidan adag, Difaac, Hub iyo Qalab, istraatiijiyad cid adduunka la hortegi karta ayay u baahan tahay gorgortan in ay gashaa, waa ummadda oo jiritaankeeda lagu khamaaro.

3) Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Waa muraayadda dalka, waa hoggaanka diblomaasiyaddeenna, Afrika, Carabaha iyo adduunka ayaynu ka mid nahay, (hebel ii dhiga) ma aqbali karto, haddii kale waa ummaddeenna oo mindi saawir ah lagu gawracey.

Waxbarashada, Caafimaadka, Wax soo saarka (Bad iyo Berri) iyo kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure) intaasuna “reer hebel sii” waa halla rogmado.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha tawfiiqda Allaha waafajiyo, Allaha u fududeeyo, waxaan mar kale ku cabsi gelinayaa: maalinka qiyaamaha ay 20 milyan u soo safan doonaan?

W; Q: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media