Arrin kasoo korortay dayuuraddii ku burburtay Garoonka Muqdisho (Arrin lala yaabban yahay?)

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2022 – Dayuurad ay leedahay shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa todobaadkii hore ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo ka timid Baydhabo ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayay 33 qof oo dhammaantood ka badbaadey shilkaas diyaaradeed.

Dayuuradda ayaa burburtay xilli ay soo caga dhiganeysey dhabbaha Garoonka Diyaaradaha iyadoo rakaab sidda.

Ha yeeshee, muuqaal ay duubtay kaamirada ammaanka ee CCTV isla daqiiqaddii diyaaradda Jubba ay sii cagadhiganaysey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa muujinaysa sawir cabdi badan.

Dayuuraddan oo burburtay 18-kii bishan Luulyo ayaa warac gaddoontey iyadoo ay la yaab tahay qaabka uu shilku u dhacay iyo khasaaro nafeed oo aan dhicin.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media