Marka la miisaamayo kiiska Mo Faarax waa in 5 arrimood maskaxda lagu hayaa

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Dhaqanka reer Galbeedka xumaan iyo samaanba isdiiddooyin badan baa isku raran. Waa dhab in ay heerka u gu wanaagsan dunida ka joogaan xuquuqda dadka, xorriyadda iyo caddaaladda, oo aan cid ku dherersan kartaa jirin.

Tusaale ahaan, xorriyadda iyo xuquuqdu wax ay fursad badbaado iyo qirasho siiyaan carruurta la faraxumeeyo iyo sidoo kale dumarka, labadaa qolo oo dunida kale aad u gu dulman. Dhanka kalena reer Galbeedku wax ay heerka u gu xun ka gaadheen, oo aan cid ku dherersan kartaa jirin, u xilashada nolosha maaddiga ah iyo lacagta.

Labadaa xaaladood oo is ku raran baa mararka qaar dadka ka keena hab-dhaqan kharriban oo u baahan in la ga feejignaado. Waxaa ka mid ah fadeexad la been-abuuro ama la buunbuuniyo, taas oo la gu raadinayo muuqasho, soo jiidasho, aragti-faafin, magdhaw iyo lacag. Tusaale ahaan in badan waxaa la arkaa dad qoyskooda ka sheega fadeexad been-abuur ah.

Hordhaca waraysiga BBC ee Mo Faarax markii aan arkay, wax aan is idhi labadaa xaaladood ee kor ku xusanba waa in loo feejignaadaa. Waayo waa arrin sida muuqata isaga ka gudbaysa oo dad kale sharaftooda saamaynaysa.

Waraysigaa kolka la daawanayo waa in maskaxda la gu hayaa:

1. Mo Faarax in cadaabtii Geeska Afrika markii ay u gu darnayd la ga soo tahriibiyay, oo raaxada Ingiriiska la soo dhex joojiyey, waa abaal iyo ixsaan loo galay, wax ayna u badan tahay haddii uu Arabsiyo joogi lahaa in uu nolosha ku guulaysto is ka daa ee in uu beri fog silic u dhiman lahaa.

2. Ma jirto sabab keliya oo aynnu u ammaani wayno adeerkii ama ciddii kale ee wanaaggaa u samaysay.

3. In magaca iyo ina ayaha la ga beddelay weli waa abaal iyo ixsaan, waayo waa sidii la gu keeni kari lahaa, waana sida Soomaali aad u badani ku timid, fariidnimana ma aha in sanduuqaa xidhan la furo (qofku magaciisii wuu soo ceshan karaa isaga oo aan fadeexad abuurin).

4. BBC iyo shirkadda Red Bull Studios ee barnaamijka samaysay, iyo Mo Faarax qudhiisuba, wax ay wadaagi karaan in ay is ku suuqgeeyaan sheeko fadeexad iyo buuq abuuri karta.

5. Mo Faarax in isaga oo carruur ah la gu dulmiyay in uu guriga ka shaqeeyo wax uu la qabaa 100% carruurta Soomaaliyeed, waayo waa dhaqan aan fiicnayn oo ay bulshooyinka saboolka ahi wadaagaan.

W; Q: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media