3 khalad oo dhanka baratakoolka AMMAANKA ah oo ay galeen ilaaladii Abe (3 ilbiriqsi oo muhim ah inta khalad ee dhacay)

0

(Nara) 10 Luulyo 2022 – RW hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa Jimcihii lagu toogtey meel fagaare ah oo uu ka ololaynayey, iyadoo sida uu sheegayo Afhayeen u hadlay Dowladda.

Sida muuqata RW hore ee Japan ayaa u muuqda nin jahawareersan marka ay toogashada 1-aad dhacday, balse marka ay tan 2-aad dhacday ayuu afgembi dhulka ugu dhacayaa.

1 – Khaladka ugu wayn waxay khubarada ammaanku ku sheegeen in aysan ilaalada RW hore aysan xirin aagga u dhow taasoo keentay in toogtuhu uu aad ugu soo dhowaado gadaalkiisa, kaaga darane waxay eegayeen isla jihadii uu Abe eegayey halkii ay sidoo kale dhinacyada kalena fiiro u yeelan lahaayeen.

2 – Su’aasha ugu badan oo ay dadku qabaan waa fal-celinta aanay xirfaddu ka muuqanin ee ilaalada siyaasiga oo laftoodu muujiyey jahawareer halkii ay tillaabo deg deg ah qaadi lahaayeen maadaama ay meesha joogeen daraasiin ka mid ah booliiska iyo sirdoonka Japan sida inay qaar ku ordaan siyaasiga oo dhulka seexiyaan, waxay wada aadeen toogtihii taasoo khaarajiyaha siisay ilbiriqsiyo uu ku rido rasaasta 2-aad, waloow maadaama aan dalka Japan ammaan darro looga baran ay dad badani ka garaabayaan khibrad la’aanta ay muujiyeen.

3 – Tan kale, waxaa jirey 3 ilbiriqsi oo u dhexeeyey ridista rasaasta 1-aad oo RW hore lala waayey iyo tan 2-aad ee dishey, waxaa xitaa furmi waayey gaashaankii balaastiigga ahaa ee loogu tala galay in lagu gadaamo haddii ay wax dhacaan.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Tomoaki Onizuka, oo ah madaxa Booliska Nara, ayaa raaligelin ka bixiyey in uu ku guuldareystay in uu ka hortago weerarkan, waxa uuna qirtay “inaan la dafiri karaynin inay dheceen dulduleellooyin dhanka ammaanka ah”, maadaama lasoo daayey ilaa 2,000 oo qof oo joogey joogta uu ka hadlayey Abe balse aan lasoo baarin.

RW Abe oo oo 67 jir ahaa dalka Japan soo xukumay min 2006-2007 iyo kaddib mar kale 2012 ilaa 16-kii Sebt. 2020 oo uu xilka isaga casiley sababo gaar ah oo caafimaad, ayaan muujinaynin wax nolol ah oo uu wadnihiisu taagnaa markii goobta laga qaadayey. Waxaa xilligaa bedeley Yoshihide Suga.

Taliyaha Booliiska Nara oo qirtay inay talo farahooda ka baxday

Hadalsame Media