UK, dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu baajinayo duullimaadkii ugu horreeyey ee berri u ambabaxaya Rwanda (Go’aan soo baxay)

0

(London) 13 Juun 2022 – Maxkamadda racfaanka ee UK ayaa Isniintan taageertey go’aan dhigaya inaan la burin karin go’aan hore oo dowladda u ogolaanayey inay magangalyo-doonka u dirto Rwanda. Go’aankan ayaa u gogol xaaraya in diyaaraddii ugu horreeysey ay u ambabaxdo dalka Afrika maalinta Talaadada berri ah.

Racfaanka, oo ay keeneen laba kooxood oo xuquuqda aadanaha ah iyo urur shaqaale, ayaa waxaa ku gacan sayray garsoore Rabinder Singh, kaasoo ku doodaya in Maxkamadda Rafcaanku aysan faragelin karin “g’aan cad oo faahfaahsan” oo ay Jimcihii gaartey Maxkamadda Sare, kaas oo ogolaaday in duullimaadyadii ugu horreeyey ee masaafurin ah loo dhigo dhanka Rwanda.

Caqabad kale oo ku wajahan xukunkan, oo uu keenay NGO-ga Magangalyo-doonka caawiya eeAsylum Aid, ayaa hadda isna ka socda Maxkamadda Sare, kaasoo ah rajada qura ee jirta.

Ilaa haatan 8 qof oo qura ayaa berri raaci doona duullimaadka Talaadada baxaya. Ha yeeshee, NGO-ga Care4Calais ayaa sheegay Jimcihii in duullimaadka markii hore la qorsheeyey inuu qaado ilaa 31 qof, laakiin 23 “la joojiyey inuu loo jaro tigidhada Rwanda” sababo aan la garanayn.

Xilli ay tirada dadka muhaajiriinta ah ee gaarey xeebaha Britain ay gaareen rikoodh dhan 28,300 ah sanadka 2021-kii, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa bishii Abriil ku dhawaaqay heshiis dhigaya in Rwanda ay hoy u noqoto muhaajiriinta magan-gelyada waydiista Britain si ay bidaalkeeda dalkaa u siiso lacag dhan £120 milyan ($148 milyan).

Warka qorshahan ayaa ay dad badani ka caroodeen, laakiin Johnson waxa uu ku adkaystay inay tani ka dhigayso jidka dadka loo tahriibinayo UK mid aan soo jiidasho lahayn oo uu kulaylka ka qaadi doono adeegyada bulshada ee Britain.

Dadka soogalootiga ah ee codsigooda magan-gelyada UK la aqbalo ayaa markaa la siin doonaa aqoonsi qaxootinimo iyagoo markale dib loogu celin doono gudaha UK.

Hadalsame Media