Cilladaha ka muuqda aflaam gaagaaban oo aan la faaf-reebin oo Soomaalida loosoo bandhigo

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2022 – Xalay waxaan joogay Astaan TV oo ay ka jirtay xaflad lagu abaalmarinayay filim ku guulaystay midkii ugu fiicnaa ee ay sannadka 2022 Soomaalidu jileen. Toban filim oo kuwa gaagaaban ah oo kuwii isku soo haray ah ayaa na loo daaray. Horta marka filim la dhaho; Soo saaraha Soomaaliga ah ee raba in uu ka qisoodo dhaqanka bulshadiisa way ku adkaanaysaa in uu helo doorashooyin kala duwan iyo goobo uu ku duubo Scenes-ka filimka. Waa sababta aad u aragto in riwaayad walba la dhex fadhiyo qol afar mitir ah oo shaah la cabayo ama cunto la ruugayo. Bal taas yaanan ku dheeraanine, filimaantii xalay kuwoodii ugu roonaa aan qiimeyn yar duldhigo.

1. Hooyooy Dulbadan. Waa filim gebi ahaantiis fashil iyo lama arag ah. Horta wuxuu ka hadlayay wiil caasi ku ah hooyadii, balse ma ahan wax bulshadeenna badanaa ka dhex dhaca in wiil uu u gacanqaado hooyadii dhashay. Kaasi waa meel bannaan.

2. Lama Diido Ducadiisa. Waa filim kale oo laga sameeyay sheekooyin aan Facebook ka akhrin jiray. Nin ayaa soo guursanaa gabar. Wuxuu ogaanaa in ay uur toddoba bilood ah nin kale u lee dahay. Marka ay umusho inta canuggii qaado ayuu masaajidka hordhigayaa. Filimkaan waxyaabaha ku jira ee kaa yaabinaya waa atooraha oo marka hore ku jilaya nin biraha tuma ayaa inta is hilmaamo, hadana la arkaa isaga oo ku soconayo gaari V8 ah.

3. Usaame. Waxaa laga sameeyay wiil yar oo hibo gooni ah leh, balse iskuulka looga reebay in uusan caqli ku filan laheyn. Miiska ay fadhido gabadha matalee maamulaha iskuulka waxaa saaran qalabka sheybaarka. Filimkaan wax lagu qaato oo macno leh ma laheyn oo xitaa kaamirada waxaa la moodayay in taleefan lagu duubay.

4. Halgan Nololeed. Kan in aanan magaca filim ugu wicin ayaa la ii qaatay. Ka gudub!

5. Qulub. Filimkaan waxaa la dhahaa Qulub ama sida uu carrabkeennu u bartay Stress. Waxaa lagu jilay Hargeysa sida aan filayo. Waxaa ka muuqda halabuur sare oo dhanka jilliinka ah. Laba cillad uu lee yahay waa in loogu damqanayo oo qiil loogu raadinayo cayaalka nolosha ka dhacay ee ay daroogadu dillootay. Jilliinkiisa waxaa fashiliyay in nin is daldalay oo geed ka soo dhacay dhulka looga hormariyo kartoon uu carrada iskaaga ilaaliyo. Caafiyo!

6. Naftii-hure. Waa nin kalluumeysato ahaa oo markuu shaqo kale waayay burcad-badeedda iska raacaya. Waa filimka igu la macquulsanaa inta la isku keenay. Dhaliisha aan u hayo waxay aheyd keliya in yarka jilaya taliyaha burcadda uu xoogaa sidii Hindida u xarrakeynayey. Director xirfad leh in uu sameeyay waa ka muuqatay. Filimkaan dhan walba ayuu uga sarreeyay inta kale ee aan arkay. Waxaa xusid mudan in xalay Astaan ay ka ilduufeen in goobta ay ku xusaan ”Atoorihii Badda” (Rabbi ha u raxmadee). Filimkaan waxaa wax ka jilayay Leefleefow oo ah ninka ku eedaysan dilka ”Atoorihii Badda.”

7. Sharma’arke The Silence Child. Waa filimka guulaystay. Wuxuu ka hadlaayay wiil yar oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo raba in uu laacib u noqdo sida Cristiano Ronaldo. Aabbaha wiilkaan aad ayuu uga soo horjeedaa riyada wiilka oo in uu waxbarto ayuu la rabaa. Dhaliisha filimkaan aad ayay u badan tahay. Waa marka horee, ninka jilaa aabbaha wiilka mar ayuu macallinkii wiilkiisa waxbaraayay ku lee yahay ” bax, guriga iiga bax”. Ma ahan wax bulshadeenna ka dhex dhaca in sidaas macallinka loo galo. Aabbuhu aad ayuu u neceb yahay banooniga oo xitaa wiilkiisa isaga oo garaacaa oo meel fog ka taagan banooni iyo wixii shaqo ku leh ayaa hadana hal mar waxaa la arkayaa is la aabbihii oo u dabbaaldegaya gool uu wiilkiisii dhaliyay. Waa yaab iyo laba Charecter oo aanan is qaadan karin.

Si walbaba, meel fog ayay soo mareysaa Somali Flim Industry oo weli ma helin dadkii ka fekeri lahaa waxa macquulka ah ee bulshada iyo daawadayaashaba ka gadmi kara. Waxaa jira dhallinyaro naf badan gelinaysa in heer kale loo qaado hab-jilliinka Soomaalida, waxayna mudan yihiin in lagu tixgeliyo. Astaan doorkooda ah in ay dadkii howlahaan lahaa isku raadiyaan way ka soo baxeen, balse weli fari kama qodna.

Waxaa Falanqeeyey: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media