Ruushka oo korontadii ka goostay dalkii 2-aad ee NATO ka tirsan & 3 dal oo uu u weecanayo

0

(Moscow) 24 Maajo 2022 – Ruushka ayaa joojiyey korontadii uu siin jiray dalka yar ee Lithuania, sida uu ku dhawaaqay howlwadeenka nidaamka gudbinta korontada ee Litgrid.

Inter RAO, oo ahayd shirkadda kaliya ee korontada kasoo waaridi jirtey korontada Ruushka ee usoo dhoofinaysey Lithuania, ayaa xaqiijisay joojinta korontada. Horraantii bishan, Inter RAO laanteeda Woqooyiga Yurub ayaa sidoo kale joojisey bixinta korontadii Finland.

Wasaaradda Tamarta ee Lithuania ayaa markii hore ku dhawaaqday inay joojinayso iibsashada korontada Ruushka Jimcihii.

“Sida uu qabo go’aanka is dhaafsiga korontada ee Nord Pool, ganacsiga korantada laga dhaliyo Ruushka, taas oo ay soo gudbiso Inter RAO (iyada oo loo marayo shirkaddeeda Inter RAO Lietuva), waa la joojiyey” laga bilaabo Maajo 22.” ayay Wasaaraddu waxay ku sheegtay bayaan RASMI ah.

Kadib xiritaanka sahaydii koronto ee Ruushka, Lithuania waxay qorshaynaysaa inay daboosho baahiyaha korontada iyada oo higsanaysa wershadaha korontada gudaha iyo soo dejinta mid laga keeno wadamada kale ee Yurub, gaar ahaan Sweden, Poland iyo Latvia, maamulaha Litgrid ee Rokas Masiulis ayaa sheegay.

Sida laga soo xigtay shirkadda, Ruushku waxaa ay saamiga guud ee suuqa korontada dalkan ka ahaayeen 16% ka mid ah korontada ay isticmaasho Lithuania.

Hadalsame Media