RASMI: Sweden & Finland oo ku dhawaaqay taariikhaha ay go’aan ka gaarayaan ku biirista Gaashaanbuurta NATO

0

(Stockholm) 09 Maajo 2022 – Xisbiga ka arrimiya Sweden ee Social Democrats ayaa sheegay inuu go’aan ka gaarayo ku biirista NATO Maajo15 oo Axadda ku beegan.

Ku dhawaaqistan rasmiga ah ayaa imanaysa 2 bilood kaddib markii uu Ruushku weerar culus ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo, taasoo keentay inay ammaankooda dib uga fikiraan dalalka dhexdhexaadka ahaa ee Sweden iyo Finland.

MW Finnish-ka ee Sauli Niinisto ayaa isna laga dhowrayaa inuu ku dhawaaqo taageerada in uu NATO ku biiro dalkiisa, oo xuduud la leh Ruushka si ka duwan Sweden.

Niinisto ayaa lagu wadaa inuu taageeradiisa ku dhawaaqo Maajo 12, taasoo kicin doonta tillaabo dib loogu sawirayo khariidadda ammaan ee woqooyiga fog ee qaaradda Yurub.

Dalka Sweden, Xoghayaha Guud ee Social Democrat Party, Md Tobias Baudin ayaa u sheegay Raadiyaha Dadwaynaha ee SR in aysan weli go’aan qayaxan gaarin balse ay go’aan arrintan ka gaarayaan madaxda Xisbiga S oo 100 sano ahaa kan ugu ballaaran Sweden oo Axadda si fogaan arag ah u kulmaya.

Yeelkeede, wixii siyaasad ammaan ah waa inay sidoo kale go’aan ku yeeshaan dhamaan axsaabta siyaasaddu waxaana ajendaha lala wadaagayaa Maajo 13.

Hadalsame Media