Horyaalka Talyaaniga oo galabta noqonaya midkii ugu horreeyey ee laga baahiyo Metaverse (Kulanka lagu bilaabayo?)

0

(Milano) 01 Maajo 2022 – Lega Seria A oo maamusha Horyaalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday guul cusub oo xiiso leh, taasoo ka dhigaysa horyaalkii ugu horreeyey ee kubbadda cagta ah ee lagu baahiyo dhanka Metaverse.

Waxaa lagu bilaabayaa ciyaarta galabta ee AC Milan vs Fiorentina oo ay Milan ku cayrsanayso horyaalka markii ugu horreeysey muddo 11 sano ah, iyadoo si gaar ah looga daawanayo aagga MENA (Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika).

Waxaa tillaabadan iska kaashaday TIM, ConsenSys iyo The Nemesis. Lega Serie A waxay isu soo bandhigaysaa inay hormuud ka tahay marxaladdan taariikhiga ah oo ah hal-abuur tignolojiyadeed ay ugu gogol xaareyso suurtagalnimada kacaaminta gudbinta ciyaaraha, si loo gaaro taageereyaal badan oo da’yar oo adduunka oo dhan ah.

AC Milan iyo Fiorentina ayaa sidaas ku noqon doona labada kooxood ee ugu horreeya ee isaga hor yimaada kulan laga baahinayo metaverse, halkaas oo si ka duwan muuqaallada soo jireenka ah ay isticmaalayaashu ay awood u yeelan doonaan inay la falgalaan xaaladaha kala duwan ee dhaca ciyaarta lagu jiro (virtual reality).

Hoos ka eeg shaxda ay galabta kusoo geli karaan labadan kooxood:

Hadalsame Media