LABA-WEJI: Dalalka EU oo dhan kala jira Ukraine dhinacna ka hubaynaya dalka Ruushka (Arag liiska dalalka hubka ka iibiya)

0

(Hadalsame) 25 Abriil 2022 – Dalalka Midowga Yurub ayaa sheegay inay cunaqabataynno badan kusoo rogeen Ruushka, balse sida ku cad dokumenti uu sii daayey The Telegraph, France iyo Germany oo qura ayaa Ruushka ka iibiyey hub ku kacaya 273 milyan oo Euro intii u dhacaysey 2015 ilaa 2020, tiiyoo ay jirto cunaqabatayn la saaray 2014-kii kaddib goosigii Crimea.

Qalabka millateri ee ay Ruushka ka iibiyaan wadamada Midowga Yurub ayaa isugu jira bambaanooyin, gantaalo, roketyo, iyo madaafiic culus.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray guddiga Midowga Yurub, ugu yaraan 10 dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Ruushka ka iibiyey hub uu qiimihiisu yahay €350 milyan oo Euro [$379 milyan] taasoo xadgudub ku ah isla cunaqabataynta EU. Shirkadaha agabka difaaca ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa mas’uul ka ah 78% iibkan.

Wadamada Midowga Yurub ee go’aansaday inay sii wadaan iibinta hubka ee Ruushka ayaa sidoo kale sii wada inay 1 bilyan oo Euro maalintii ku bixiyaan saadka tamarta ee Ruushka tan iyo bilowgii dagaalka. Dadka u doodaya iibinta hubka iyo DF Berlin ayaa waxay xuseen in hubka ay iibiyeen loo isticmaalo “arrimaha rayidka oo keliya.”

Faransiiska ayaa xitaa qorsheeyey in uu sii wado iibinta laba markab dagaal oo ah nooca Mistral-ka ah oo Ruushku ka qaadan lahaa ilaa 2015-kii, laakiin iibintaasi waa la joojiyey natiijada cadaadiska Maraykanka iyo saaxiibbada kale ee Yurub.

EU ayaa sidoo kale Ruushka ka iibiyey hub iyo rasaas ku kacaysa 39 milyan oo euro, waana kuwan liiska dalalka EU ee hubka ka iibiyey Ruushanka: Faransiiska €152 milyan [$162 milyan], Jarmalka €121.8 milyan [$131.7 milyan], Talyaaniga €22.4 milyan. [$24.2 milyan], Austria €18.5 [$20 milyan], Bulgaria €16.5 milyan [$17.8 milyan], Czech Republic €14.3 milyan [$15.4 milyan], UK €2.4 milyan [$2.6 milyan].

Markab ah nooca Mistral ee berri-biyoodka ah

Hadalsame Media