DEG DEG: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeerey Wasiirka Batroolka kaddib muran ka yimid shirkad uu heshiis la galay

0

(Muqdisho) 21 Abriil 2022 – Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku doodaysa inuu sidiisii ansax u yahay heshiis muran dhaliyey oo ay la saxiixatay Wasaaradda Batroolka DF Somalia, kaasoo uu qof kastaahi iska fogeeyey, iyadoo doodda shirkaddan oo aan wax badan laga aqoonin ay dhalinayso dood sharci ah.

Haatan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed, inuu xafiiska yimaado maalinta Isniinta ah oo ay bishu tahay 25/04/2022, si wax looga weydiiyo Heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray, Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Wasiirka waxa la faray inuu waqtiga imaanshaha ilaaliyo oo ah 11:00 AM ee barqanimo.

Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya iyo Richard Anderson oo ah Madaxa Fulinta ee shirkadda Coastline Exploration Ltd., ayaa heshiiska kala saxiixday.

Balse warar kala duwan ayaa ka soo baxay, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan seyray heshiiskaas, waxayna ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin oo aan marin wadiiqooyinkii iyo xeerkii arrintan uga yaalley dalka.

Hadalsame Media