Xogo hor leh & ishaarooyin xooggan oo kasoo baxaya sanduuq hodon ah oo iibsan raba AC Milan

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2022 – Waxaa shalay mar qura ay warqaadyada caalamka oo ay ku jiraan kuwa ugu waawayn ee wararka u dhuun daloola sida Reuters iyo dhanka ganacsiga sida Bloomberg bilaabeen inay qoraan in Sanduuqa Investcorp oo laga leeyahay dalka Baxrayn uu doonayo inuu iibsado AC Milan.

Warkan oo ay sidoo kale qoreen warbaahin ku dhow dhow Carabta sida Sky Arabia, Gulf News iyo qaar kale ayaa xisaabta kusoo daray sharikadda maalgashiga ee Mubadala Investment Company PJSC oo taageerayso la wareegida saamiyada aqlabiga ah ee AC Milan. Mubadala oo ay leedahay DF Imaaraadku waxay ku fadhisaa hanti dhan 240 bilyan oo doollar.

Sanduuqa Milan iska leh ee Elliott Corp ayaa doorbidaysa in ay ka aamusto mawduucan sii kululaanaya, balse waxaa soo baxaya xogo sheegaya in wada xaajoodku uu soconayey bishii tagtay oo idil oo haatan loo dhow yahay in heshiis la gaaro.

Sidoo kale Tweet subaxnimadii maanta ka yimid dhanka Mohammed Al-Ardhi, Madaxa Fulinta Investcorp, oo ah midka xiisaynaya iibsashada AC Milan ayaa ku soo qoray boggiisa bulshada: “Hambalyo Milan oo kusoo laabatay hoggaanka horyaalka Talyaaniga.”

Dhanka kale, milkiilayaasha Milan ee haatan ee Elliott ayaa la sheegayaa inay wadato laba shuruudood marka laga yimaado hal bilyan oo EURO ama 1.1 bilyan oo Doollar oo ay kooxda ku fasaxayso waxayna kala yihiin;

1 – In lasii ambaqaado mashruuca garoonka cusub loogu dhisayo AC Milan si ay dakhli uga hesho.

2 – In kooxda la xoojiyo oo loosoo iibiyo laacibiinta ay u baahan yihiin si ay markale ugu tartamaan maxalli ahaan iyo caalami ahaanba.

Hadalsame Media