Liiska dalalka ugu cunaqabatayn badan caalamka & tirada saaran (Somalia oo ka muuqata maabka)

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2022 – Kumanaan cunaqabateyn ayaa lagu soo rogey Ruushka tan iyo 2014-kii oo ay Ukraine ka goosteen jasiirad u ekaha Criema ilaa haatan, waxaana soo rogey Maraykanka iyo xulafadiisa.

Ruushka ayaa marka si rasmi ah u noqday dalka ugu cunaqabataynta badan adduunka, wuxuuna ka sare maray dalalka Iran, Syria iyo North Korea. Waxaa ka mid ah cunaqabataynta ka dhanka ah ka mid ah mid la saaray shakhsiyaad, shirkadaha, la wareegida hantida, iyo xitaa in la xayiro kaydka lacagta qalaad ee dalkan.

Hadaba waa kuwee wadammada ugu cunaqabataynta badan caalamka? Aan eegno liiska iyo tirada dal kasta la saaray:

1 – Russia
Moscow ayaa waxaa saaray 6,000 oo cunaqabatayn oo kala duwan.

2 – Iran
Mid ka mid ah dalalkaasi waa Iiraan oo ay Washington saartay 3,616 tan iyo 1979-kii.

3 – Syria
Suuriya oo uu dagaal ka soconayey tan iyo 2011-kii waxaa saaran ilaa 2,608 oo ay soo rogeen Maraykanka iyo EU, sida uu qabo Castellum.

4North Korea
Dalkan oo cunaqabataysnaa tan iyo 2006-dii oo lagu qabsaday barnaamijka hubka nukliyeerka waxaa saaran 2,077 cunaqabatayn.

5 – Venezuela

Waxaa saaran 651 oo 2019 lala eegtay cid kasta oo xiriir la leh dowladda Nicolas Maduro.

6 – Myanmar

Waxaa saaran 510 cunaqabatayn.

7Cuba
Dalka ugu ballaaran jasaa’irka Caribbean ee bartamaha Ameerika, Cuba, oo uu Maraykanku cunaqabatayn ku hayey muddo 60 sano ah waxaa saaran 208.

Waxaa sidoo kale dalalka cunaqabataysan ee caalamka ka mid ah dalkeenna Somalia oo laga saaray dhinaca iibsiga hubka waawayn taasoo saarrayd tan iyo 1991-kii bilowgii dagaalka sokeeye.

Waxaa kale oo Somalia cunaqabatayn laga saaray ashkhaas la sheegay inay qas ku wadaan geeddi socodka doorashada dalka, qoysaskooda iyo dadka la shaqeeya, waloow aan si gaar ah loo carrabaabin.

Hadalsame Media