GAR-QAAD: Laba sababood oo looga gar daran yahay Fahad Yaasiin & arrin aan la gorfayn

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2022 – Waxaa dhowaan ay Guddiga Doorashada Federaalku soo saareen kuraasida ansaxay ee labada aqal ee Baarlamanka dhexe, kuwaasoo laakiin laga saaray ilaa 4 xildhibaan oo la duray ansaxa kuraasidooda.

Waxaa dadkaa kor loo hayo ka mid ah Fahad Yaasiin oo kusoo baxay doorasho muran ka taagnaa oo ah kursiga HOP#086. Weriye Jacfar Kuukaay ayaa qoraal kooban oo uu ka sameeyey dood ka keenay waxa lagu haysto gaar ahaan kursiga Fahad oo ay ka dhalanayso dood kale oo ay ugu waawayn yihiin 2 su’aalood;

1 – Haddii sababta Fahad Yaasiin liiska xildhibaannada looga reebay ay tahay in doorashada kursigiisa aan hab-raacii saxda ahaa loo marin, ama la boobay; waxa ay ila tahay in laga gar-daran yahay. Sababta oo ah in kabadan 95% xildhibaannada dooran sidaas ayay kusoo baxeen, baadil ayayna wada noqonayaan, sida uu qabo Kuukaay.

2 – Haddiise sababta loo bar-tilmaameedsaday ay tahay in uu dambi ku eedeysan yahay, suurto-galna ay tahay in eeddu ay dambi isku baddasho waa dood macquul ah. In kasta oo aan ogahay in kuwo badan oo eedeysaneyaal ah ay dooran yihiin.

Aniguse wali waxa lagu haysto ma garan, qolyaha ku dhegganna wali si faahfaahsan ugama aysan hadlin.

Nuxurku wuxuu yahay in haddii khalad kusoo bixid lagu haysto sidoo kale la reebo dadka noocaas kusoo baxay oo idil haba ugu sii darnaadeen Puntland iyo Jubbaland, KG iyo qaar ka mid ah Galmudug, Hirshabeelle iyo xitaa Banaadir, haddii dembi lagu haystana sidoo kale lagu soo daro dadka kale ee iyaguna eedaysan.

FG: Qoraal kasta waxa uu ka tarjumayaa aragtida qofka ku xusan

Hadalsame Media