”Waxaad noo tihiin laba saaxiib!” – Turkiga oo dhibco ku helaya dhexdhexaadinta Ruushka & Ukraine (Halkee wax marayaan?)

0

(Istanbul) 29 Maarso 2022 – Horumar ayaa laga sameeyey wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya wufuudda Ukraine iyo Ruushka ee Turkiga ka soconaya, taasoo laga yaabo inay u gogol xaarto kulan heer hoggaamiye ah, ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan maanta.

Isagoo la hadlayay wufuudda Ruushka iyo Ukraine ee ku sugan Istanbul oo ka socdaan wadahadallada nabadeed ayuu Erdogan ka dhawaajiyey inuu rajo wanaagsan ka qabo in horumar la gaari karo, wuxuuna sheegay in Turkiga uu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulanka u dhexeeya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo uu labadoodaba ku tilmaamay “Saaxiib qiimo leh.”

“Waxaan rajeyneynaa in kulammadani ay noqdaan kuwo faa’iido u leh labada waddan iyo gobolka, maadaama Turkiga uu aad uga walaacsan yahay khilaafkan,” ayuu yiri.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in hannaanka wada xaajoodka ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu sare u qaaday rajada laga qabo nabadda iyo in la xaqiijiyo xabbad-joojin sida ugu dhaqsaha badan taasoo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada.

Waxa uu ugu hambalyeeyay wufuudda labada dhinac oo uu sheegay in ay dedaal weyn u galeen sidii ay u soo afjari lahaayeen masiibadaas ay ku dhinteen kumannaan reer Ukraine ah, isla markaana ay burburiyeen magaalooyin.

Isagoo ku nuux-nuux saday in Turkigu uu muujinayo mowqif cadaaladeed oo xoojinaya xuquuqda labada dhinac, Erdogan wuxuu sheegay in la gaaray xilligii ay wada-hadalladu ay natiijooyin keeni lahaayeen.

Waxa uu sidoo kale xusay in Turkiga uusan ka labalabeyn in uu qaado mas’uuliyadda nabada iyo xasiloonida gobolka. “Waxaan rumeysan nahay in aan cidna looga adkaan doonin heshiis nabadeed oo cadaalad ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkigu, isagoo intaas ku daray in dunidu ay war wanaagsan ka sugayaan Istanbul.

Edogan waxa uu sheegay in uu u ambabaxayo caasimadda Uzbekistan ee Tashkent, balse Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlüt Çavuşoğlu uu sii joogi doono dalka Turkiga inta ka harsan kulamada, isla markaana uu diyaar u yahay in uu bixiyo wixii kaalmo farsamo ah haddii loo baahdo.

Wefdi ka socda Ruushka iyo Ukraine ayaa shalay oo Isniin ah gaarey magaalada Istanbul. Waxay ku kulmayaan xafiiska Dolmabahce ee Degmada Beşiktaş ee Istanbul.

Hadalsame Media