”Haddii heshiis la gaari waayo waxaa bilaabanaya Dagaalkii 3-aad!” – MW Ukraine oo sheegay arrin uusan marna ka tanaasuli doonin

0

(Kyiv) 20 Maarso 2022 – Ukraine ayaa sheegtay inaysan marna ka tanaasuli dooninin marka ay timaaddo “midnimadeeda dhuleed”, laakiin waxaa ka go’an inay sii waddo wadahadalka Ruushka si loo soo afjaro dagaalka, ayuu yiri Madaxweynaha dalkaasi ee Volodymyr Zelensky.

Mar uu weriyaha CNN ee Fareed Zakaria uu Axaddan waydiiyey in uu ka hadlo dalabaadka Moscow, oo ay ku jiraan aqoonsiga in Crimea ay qayb ka tahay Ruushka iyo in Donbass ay noqotay jamhuuriyado madax-bannaan, Zelensky wuxuu sheegay in taasi ay tahay tanaasulaad “aysan Ukraine diyaar u noqon karin ka waddan madax-bannaan ahaan.”

“Wax kasta oo tanaasul ah oo taabanaya madax-banaanida gayi iyo tan dal lama samayn karo,” ayuu yiri, isaga oo raaciyay “Madaxweyne dal kale kuma khasbi kartid inuu aqoonsado qayb dalkiisa ka tirsan adigoo isticmaalaya awood.” ayuu Zelensky oo carabka ku adkeeyay in, wada xaajood la’aan, aysan suurtagal ahayn in la xaliyo khilaafka, balse haddii aan heshiis la gaarin ay horseedi karto dagaal saddexaad oo caalami ah.

Waxa uu markale ku celiyay rabitaankiisa ah inuu wadahadal toos ah la yeesho dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin. “Waxaan diyaar u ahaa labadii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Zelensky.

MW Ukraine oo todobaadkii tegey sheegay in dalkiisu aanu mar dambe raadin doonin inay ku biiraan NATO, wuxuu Axaddan sheegay in haddii ay NATO hadda dalkiisa aqbalayso ay markiiba geli lahaayeen, isagoo ku dooday in “haddii ay xubin ka ahaan lahaayeen NATO, aan dagaalkani bilowdeen.”

Waxaan jeclaan lahaa inaan helo dammaanad amni oo dalkayga iyo dadkayga.” ayuu yiri.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa isna sheegay in Ukraine iyo Ruushku ay ku dhow yihiin heshiis ay ka gaaraan arrimaha “muhiimka ah” iyo in Ankara ay aaminsan tahay in xabbad joojin ay suurtagal tahay haddii labada dhinac aysan go’aankooda dib uga laaban.

Hadalsame Media