Meesha ay iska shabbahaan xirfaddii Radio Moosko & xaaladda Somaliland!!

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2022 – Radio Moosko wuxuu caado u lahaa todobaadkiiba intay hal barnaamij duubaan oo soconaya saacad, oo war iyo xogo kale isugu jira in ay todobaadkaas oo dhan ku soo celcelin jireen, berigaa waxaa loo bixiyey i dhagayso ama hay dhagaysan.

Waa bilowgii sagaashameeyada, aad ayaan u dhagaysan jiray, maalintii danbe ayaan warqad u qoray, waxaan ku idhi: Walaalayaalow barnaamijkan aad todobada maalmoodba hal cajalad ah intaad noo duubtaan noogu soo celcelinaysaan maad naga deysaan.

Warqadii way iiga soo jawaabeen, waxayna ii sheegeen in qorshahan muddo hore la dejiyey oo ay la tacaalayaan siday wax uga badeli lahaayeen, waxay iisoo direen Boos kaadho, anna waxaan u diray maahmaahyo iyo sheekooyin.
Maalin dhaweyd oo aan soo qoray sheeko ku saabsanayd Radio Mosko dhallinyaro badan way la yaabeen, haddii aanan waraaqo aanu is dhaafsanay iyo barnaamijyo aan ka duubay ka hayn lahayn anigaa shaki iga gali lahaa sida lay weydiiyey, oo su’aashu waxay ahayd oo ma Mosko ayaa Idaacad af Soomaali ku hadashaa ka hawl gali jirtay?
Radio Mosko, laanta Af Soomaaliga oo lixdameeyadii shaqada bilaabay markay ku soo celcelintii aan midho dhalka ahayn natiijo ka weyday ayey hawshiiba soo gabgaba gabeeyeen.

“Somaliland-ta” kooban 30 sano ayay hal barnaamij ku soo celcelinaysay, ilaa haddana wax natiijo ah kama hayso, safarka aqoonsi raadiska waxaa bilaabay wasiirkii ugu horeeyey ee arrimaha dibada ee “Somaliland” Shiikh Yuusuf Shiikh Madar, safarkii ku xigay wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Tuur Ilaahay labadoodaba hawnaxariisto, waxaa aad u raadiyey Cigaal oo ugu run badnaa oo yidhi:

Adeer dhabarkaa naloo soo jeediyey, waxaa safar ku tagay Washington Riyaale iyo Siilaanyo, saakana Muusa baxay, berigii lagu dhawaaqay gooni isu taaga dhinaca kaliya ah ayaa kaaliyihii xog-hayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika la weydiiyey ahmiyadda saldhiga Berbera iyo dekaddu u leeyihiin Maraykanka, wuxuu ku jawaabay Soomaalida oo wada socota ayey qiimo weyn noogu fadhidaa ilaa maanta Maraykanka mawqifkiisu isma badelin.

Waxaanse rajeynaynaa in dhaqaalaha malaayiinta ah ee hawlahaa ku baxa meelo kale loo jiheeyo, arrimahan kale ee siyaasigana sida ugu quman loo soo gabgabeeyo.

* Sawirku waa Boos kaadhkii Radio Mosko iisoo diray.

Waxaa Qoray: Asad Caddaani Ibraahim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media