Ruushka oo laga xadidi doono qaadashada “Baasaboorka Dahabiga ah” (Muxuu yahay maxaase lagu qaataa?)

0

(Hadalsame) 27 Feb 2022 – Dalalka reer Galbeedka ayaa ballanqaaday in ay dhimayaan ‘Baasaboorka Dahabiga ah’ ee ganactada Ruushka lagu siin jirey dhalashada dalal badan oo Yurub ah iyo meelo kale.

Tillaabadan ayaa waxaa qaadaya dalalka EU, UK, Maraykanka iyo Canada oo ay ganacsatada Ruushku dhalasho ka qaadan jireen marka ay maalgashi ku samaystaan dalalkaasi.

Tillaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay qorshe ay Galbeedku ku ciqaabayaan Ruushka oo Khamiistii duullaan furan ku qaaday dalka Ukraine.

Hadalsame Media