Nin siyaasadda falanqeeya oo fasiray sawir muujinaya MW Somalia & RW Itoobiya oo aad loo hadalhayo

0

(Addis Ababa) 07 Feb 2022 – Waxaa baraha bulshada wareegaya sawir muujinaya MW Somalia & RW Itoobiya oo wada hadlaya, jeer uu laba farood taagayo RW Itoobiya oo ay u egtahay inuu laba arrimood kala dooransiinayo MW Somalia, waase sida ay u egtahay e, cid si rasmi ah u xaqiijin kartaa ma jirto.

Yeelkeede, Mukhtaar Caynaanshe oo lafagura siyaasadda iyo ammaanka Somalia ayaa dhowr su’aalood ka keenay sawirkan oo ay dadwaynuhu ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, xilli ay labada nin Addis Ababa ku yeesheen shir-doceed istaag ah.

”Maxaa dhaygagiyey? Ma wax baa lagu amrayaa inuu sameeyo? Waxaan la yaaban ahay waxa uu @RW Itoobiya amrayo inuu sameeyo @M_Farmaajo?” ayuu ku bilaabay qoraal uu Twitter soo dhigay.

”Si kasta oo ay u dhacdo cidda ay taladu ka go’do si aan la yaab lahayn balse xanuun badan bay u caddahay!” ayuu iskugu jawaabey.

Hadalsame Media