Maxay ahayd kelmaddii ugu dambaysey ee laga maqlay Rayaan Yare markii uu ceelka ku dhacay?!!

0

(Chefchaouen) 06 Jan 2022 – Wiilkii 5-jirka ahaa ee lagu magacaabayey Rayaan, ayaa habeenimadii xalay ay samatabbixiyeyaashu ka soo saareen ceelka kaddib hawlgal dheer oo soo jiitay indhaha caalamka, balse in yar kaddib waxaa lasoo sheegay in uu dhintay.

Wiilka ayaa ku dhacay ceel aad ciriiri u ah oo weliba gudaha ka shuban oo uu baaciisu yahay 32-mitir (100-cagood) buuraleeyda u dhow Chefchaouen Talaadadii.

Weriye ka tirsan Associated Press oo goobta ku sugnaa ayaa arkay wiilka oo ku duuban buste jaale ah kaddib markii uu ka soo baxay ceelka oo loo qoday si gaar ah, iyadoo ay xigtey tacsi uu Boqorka Marooko Mohammed VI u diray waalidka wiilka, kaddib bayaan kasoo baxay qasriga.

Nin wiilka yar qaraabo la ahaa ayaa Reuters TV u sheegay in qoysku ay markii hore ay qoysku wiilka tabeen markii ay maqleen ooyin kasoo baxaysa gunta hoose ee ceelka kaddibna ay tooshka mobaylka u adeegsadeen inay ku eegaan gunta ceelka.

“Wuxuu ku cataabayey ‘kor ii qaada’.” ayuu yiri ninkaasi.

Tan kale ee ugu darani waa in uu aad u qabow yahay jawiga gobolka buuraleeyda ah ee ku xeeran Chefchaouen, balse wiilka ayaa cunto, ogsijiin iyo biyo loo geliyey ceelka waloow aan laga warbixin xaalkiisa.

Hadalsame Media