3 gunnimo oo ku jirta siyaasiga & hal gabnimo oo dhanka shacabka ah ayay u goblantay siyaasad geela Soomaalidu

0

(Hadalsame) 05 Feb 2022 – Doorashooyinka guud ee Iswiidhan sannadkan bay dhacayaan bisha Sebteembar 11. Dastuurka ayaa waajibinaya in doorasho kastaa dhacdo maalin Axad ah (doorashooyinka guud mar kasta waa Axadda labaad ee bisha Sebteembar), waayo waa maalinta ay u gu weyn tahay fursadda ah in muwaaddiniinta u gu badani waqti u helaan in ay codeeyaan.

Waxaa is ku mar la doortaa xildhibaannada baarlamaanka, xildhibaannada golayaasha gobollada iyo xildhibaannada golayaasha degaanka, afartii sanaba mar. Shantii sanaba mar bisha Abril waxaa la doortaa xildhibaannada Baralamaanka Midowga Yurub.

Cidda keliya ee hawshaa ka masuulka ah, oo aanay cid kale ku faragalin karini, waa Hay’adda Qaranka ee Doorashooyinka oo loo yaqaan Valmyndigheten. Doorashada wax uu dastuurku waajibinayaa:

1. In xaqa codaynta uu lee yahay muwaaddin kasta oo da’diisu gaadhay 18 jir.

2. In qofku xornimo shakhsi oo buuxda u lee yahay cidda uu dooranayo, ayna reebban tahay in cid kale u go’aamiso ama ku dirqido.

3. Codayntu muwaaddinka waa u sir, mana jirto cid xaq ama awood u leh in ay ogaato cidda uu u codaynayo ama u codeeyay.

4. Codka dadweynaha mar kasta intii xisbi ee diiwaangashan ayaa ku tartami karta, cid kasta ayaana samaysan karta xisbi tartama haddii ay buuxiso shuruudaha dastuurka, doorasho walbana xisbiyada hela cod gaadha 4% ayaa galaya baarlamaanka, xukuumadda cusubna ka mid koqon kara, gobollada iyo degaanka (tusaale ahaan xisbi aan gobollada iyo degaanka galin baa baarlmanaanka gali kara sida kalena waa la mid).

5. Xildhibaannada baarlamaanka ee la soo doortay ayaa is ka dhex dooranaya raysalwasaaraha dalka xukumaya, waxaana sida caadiga ah raysalwasaare noqda hoggaamiye xisbi, baarlamaanka ayaana ansixiya ama rida xukuumadda raysalwasaruhu soo dhiso. Hawsha baarlamaanku kol haddii ay codka aqlabiyadda ku socoto, xisbiyada baarlamaanka fadhiyaa codayn kasta oo golaha ka dhacaysa waa ay is gaashaanbuursadaan si aqlabiyad loo helo.

Bal haddaba Soomaaliyow, su’aashan is wayddii: Ka warran gabadha Iswiidhan maanta raysalwasaaraha ka ah iyo xukuumaddeeda oo damca in ay doorashada dib u ga dhigaan 11/9 si ay dano iyaga u gaar ah u sii qabsadaan, sida Soomaaliya ka dhacda ee Farmaajo sameeyay?

Wax ay noqon lahayd maaddii iyo qosolkii u gu weynaa ee abid reer Iswiidhan helaan, qarniyo badan oo soo socda ayaana la ga jili lahaa ruwaayado, filimaan iyo sheeko faneedyo.

Dhibaatadu waa saddex gunnimo oo is huwan:

1) Xaqiridda sharciga heshiiska la gu yahay.

2) Xilkasnimo darro iyo anaaniyad ka imanaysa qaangaadhnimo la’aan maskaxeed.

3) Akhlaaq xumo iyo saqajaannimo aan la ga sarriiganayn.

4) Mugdi iyo dowlad aqoon la’aan dadweynaha ku daboolan, sidaa darteed wax walba loo la imanayo.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media