Ronaldo oo soo bandhigay gaari ay dunidaba ka haystaan isaga & 9 qof oo kale + Sawirro

0

(Madrid) 03 Feb 2021 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa markale dunida u faanay haddiiba ay daawadaan bandhigga cusub ee saaxoiibtii Georgina Rodriguez kaasoo laga daynayo Netflix iyadoo lasoo bandhigay garaash qaali ah oo ay ku jiraan gawaari ku fadhida £18m oo gini.

Xidigga Manchester United oo caan ku ah gawaarida qaaliga ah ayaa ka qayb qaatay barnaamijka I Am Georgina isagoo dadka uga yaabiyey gawaarida taalla guriga Ronaldo oo ku fadhiya £5m oo gini kuna yaalla Madrid.

Waxaa gawaarida taalla ka mid ah mid £2m ku fadhiya oo ah nooca Talyaanigu sameeyo ee Bugatti Chiron, midka Ingiriiska ah ee Rolls-Royce oo 300,000 oo gini jooga.

Yeelkeede, waxaa gawaarida 36-jirkan ugu qaalisan nooca gaarka ah ee Talyaaniga ah ee Bugatti Centodieci kaasoo ku fadhiya £8.5m oo gini – Ronaldo ayaa weliba la sheegay inuu ka mid yahay 10 qofood oo dunida oo idil ka haysta gaariga noocan ah (supercar) oo dalab uun lagu sameeyo.

Hadalsame Media