Gavin Williamson oo ka mid ah ragga siyaasadda ka muufaysta + Video (Arrin halis ah oo uu dalkiisa kula kacay)

0

(London) 19 Jan 2022 – Gavin Alexander Williamson oo ah 45-jir reer Scarboroug ah oo haatan ah mudane ka tirsan Baarlamanka UK ayaa riixayay mooshin aan sidaa u xoogganayn oo la horgeeyey Aqalka Hoose ee UK (House of Commons) si looga doodo aqoonsiga Soomaliland, wuxuuna Gavin Williamson oo ka mid ah rag u ololeeya Somaliland uu horay u booqday Soomaliland isagoo xilligaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada UK.

Yeelkeede, Gavin Williamson oo Wasiirka Gaashaandhigga ahaa min 2017 ilaa 2019 ayaa loo eryey inuu xogo xasaasi ah oo uu leeyahay Qaranka Britain oo lagu soo hadal qaaday kulankii Golaha Ammaanka Qaranka uu u dusiyey Shirkadda Chinese-ka ah ee Huawei oo ah camaaliqo dhanka isgaarsiinta ah.

Williamson oo Huawei u ogolaaday inay galaangal lagu sheegay ”mid kooban” sirahaa u yeelato si ay taasi uga caawiso dhismaha shabakaad 5G ayaa laga eryey Downing Street kaddib markii la sheegay “inaan kalsooni lagu qabin kartidiisa ku aaddan inuu dalkiisa u adeego” sida ay sheegtay RW hore ee Theresa May iyadoo deeto lagu bedeley Penny Mordaunt.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee DF Somalia, Jamaal M Xasan, ayaa isna arrintan soo hadal qaaday, isagoo ku eedeeyey in nin siraha qarankiisa faafinayaa aanu wax xog ah ka haynin gudaha Somalia, isla markaana ay khalad ku tahay inuu dhex boodo arrimaha gudaha Somalia iyo taageerada in la kala googooyo.

Hadalsame Media