XOG: Waa sidee xaaladda caafimaad ee Macallimuu (Arrin soo noqnoqonaysa todobaadyadii dambe)

0

(Muqdisho) 16 Jan 2022 – Afhayeenka XFS Somalia, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa goor dhowayd ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaarigiisa isagoo maraya meel ka tirsan magaalada Muqdisho.

Xogo aannu ka helnay dhanka isbitaalka Guud ee Digfeer ee Macallimuu la dhigay ayaa sheegaya inuu haatan miirkiisu fiican yahay isagoo dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, waxaa sidoo kale jiri kara jab dhanka lugta ah.

Howlwadeenka Isbitaalka wayn ee Digfeer ayaa sidoo kale la tacaalaya cadaadiska sonkorta Macallimuu oo kacday markii uu shilkan la kulmay, isagoo dhaawacyo ka qaba qaybo u badan dhanka dambe, balse uu xaalkiisu deggan yahay oo uu fiican yahay.

“Afhayeenka XFS Mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Macallimuu oo horay uga badbaadey ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xooggan, iyadoo ay maalmahan dambe dib usoo xoogaysanayaan qaraxyada khaarajiska ah, iyadoo mid sidan oo kale hadaf gaar ah lagaa lagu diley Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii Nofeembar ee sanadkii hore ee 2021-kii.

Qaraxyada dhaca ayaan 99% helin wax baaris ah oo ay xirfad iyo daacadnimo toona ka muuqato, iyadoo laga gudbo marar dhif ahna baaris magac u yaal ah loo saaro.

Hadalsame Media